14,000 oo carruur ah oo laga cabsi qabo in ay gaajo ugu dhintaan Qasa saacado gudahood
Gargaarka weli qofna ma gaarin – 14,000 oo carruur ah ayaa ku dhiman kara 48 saacadood, ayuu yiri Tom Fletcher oo ka tirsan Qaramada Midoobay.
Fletcher ayaa hadda sheegay in shan baabuur oo gargaar ah ay galeen Qasa Isniintii, laakiin wuxuu ku celceliyay in gargaarkaas kooban uu la mid yahay “dhibic biyo ah oo badweyn ku dhacday”.
Wuxuu sheegay in inkastoo gawaarida xamuulka ah ay u gudbeen oo ay galeen gudaha Qasa, hadana ay ku sugan yihiin dhanka kale ee xuduudka, oo aysan wali gaarin dadka.
Fletcher waxa uu sheegay in saadka saaran baabuurta xamuulka ay yihiin “cuntada carruurta iyo nafaqada”.
Wuxuu cabsi ka muujiyay in 14,000 oo carruur ah ay dhiman karaan 48-da saacadood ee soo aaddan haddii gargaarku aanu gaarin.