Trump oo sheegay inay ku dhow yihiin heshiis laga gaaro Nukliyeerka Iiraan

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in Iiran ay ogolaatay nooc ka mid ah qodobbada heshiiska nukliyeerka ee Mareykanka.

Trump ayaa ku tilmaamay wadahadaladii u dambeeyay ee u dhaxeeyay labada dal, oo soo dhamaaday Axadii, inay ahaayeen wada xaajoodyo dhab ah oo lagu doonayo gaaritaanka nabada mustaqbalka fog.

La taliyaha hogaamiyaha ugu sareeya Iiran ayaa u sheegay NBC News in Dahraa ay diyaar u tahay inay tanaasul ka sameyso barnaamijkeeda Nukliyeerka si looga qaado cunaqabateynta.

Mareykanka ayaa ku adkeystay in Iiran ay tahay in ay meesha ka saarto tayeynta Yuraaniyaamka si ay uga hortagto in dalka uu sameysto hubka Nukliyeerka , inkasta oo Iiran ay ku adkeysaneyso in dhaqdhaqaaqeeda Nukliyeerka uu yahay mid nabadeed.

Khamiista ayaa isaga oo ka hadlayay Qadar oo uu ku tagay lugtiisa labaad ee safarka gacanka Khaliijka ayaa Trump ka sheegay inuu dhow yahay heshiis laga gaaro barnaamijka Nukliyeerka ee Iiraan, waxaana uu sheegay inay suurtgal tahay ka hor tagida duqaymo loo gaysto goobo ka tirsan

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker