Madaxweynaha Ukrain oo gaaray Ankara ayaa shaki galiyay wafdiga Ruushka ee qaybta ka ah wadahadalka

Madaxweynaha Ukrain Volodymyr Zelensky oo gaaray Ankara ayaa shaki galiyay inta ay le egtahay baaxada ay wufuuda Ruushka go’aan kaga qaadan karaan wadahadalada ka dhacaya Istanbul.

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaan ka qayb gali doonin wadahadalada, iyada oo weli aysan caddeyn wafdiga Ukrain dhankooda cidda ku matalaysa wadahadalkaasi.

Zelensky ayaa kula kulmaya Ankara, madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan, isaga oo sheegay inay go’aan ka qaadan doonaan tallaabooyinka ay qaadayaan, kadib kulanka uu la yeesho dhigiisa Turkiga.

Aqalka Kremlin-ka ayaa goor dambe oo xalay ah ku sheegay in wafdigooda uu hoggaamin doono mid ka mid ah kaaliyaasha madaxweyne Putin.

Wadahadalada Istanbul ee u dhaxeeya Ukrain, Ruushka iyo wufuud Maraykan ah ayaa la qorsheeyay marka ay tahay 10:00 wakhtiga turkiga inuu ka dhaco Dolmabahce Palace..

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker