Qaramada Midoobay oo si degdeg ah u raadinaysa $41.6 milyan si loogu maalgeliyo howlgalka cusub ee Soomaaliya

Qaramada Midoobay ayaa si degdeg ah ugu baaqday in la helo $41.6 milyan oo dheeraad ah si loo xoojiyo howlgalka cusub ee Midowga Afrika ee taageerada iyo xasillinta Soomaaliya (AUSSOM), xilli Golaha Ammaanka ee QM uu Isniintii shalay yeeshay kulan albaabadu u xiran yihiin oo lagaga hadlayay dhaqaale yari halis gelinaysa howlgalka.

Kulankan oo ay codsadeen Soomaaliya iyo Boqortooyada Ingiriiska, ayaa diiradda lagu saaray sidii loo buuxin lahaa farqiga dhaqaale ee haysta AUSSOM, kaas oo si rasmi ah u beddelay howlgalka ATMIS 1-da Janaayo 2025.

“Farqiga dhaqaale ee AUSSOM waxa uu noqday walaac aad u weyn. Haddii taageerada aan waqtigeeda la helin, waxa jirta khatar ah in howlgalka uu la kulmo dib u dhac xilli amniga dalka uu aad u jilicsan yahay,” ayay tiri QM.

Qaraarka 2767, oo Golaha Ammaanka ansixiyay bishii Diseembar 2024, ayaa si rasmi ah u taageeray in laga guuro ATMIS, laguna oggolaaday waddamada Midowga Afrika inay qaadaan tallaabooyinka lagama maarmaanka ah si ay u taageeraan AUSSOM muddo 12 bilood ah.

Si kastaba ha ahaatee, si howlgalka si buuxda loogu daro nidaamka canshuuraha QM waxa uu sugayaa go’aan kale oo Golaha Ammaanka ka gaari doono 15-ka May.

Ugu dambeyntii Dowladda Mareykanka ayaa si weyn uga soo horjeestay inay wax lacag ah ku bixiso howlgalka AUSSOM iyada oo la adeegsanayo qaabka 2719, isagoo sheegay in Soomaaliya aysan u qalmin qaabkaas, islamarkaana la doonayo habab kale oo maalgelin ah.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker