Kenya Maxkamad amartay in xildhibaan hore oo Afgaanistaani ah loo gacan geliyo Mareykanka
Maxkamad ku taalla dalka Kenya ayaa ogolaatay in loo gacan geliyo Mareykanka Xildhibaan hore oo ka tirsanaa Baarlamaanka Afgaanistaan Haji Abdul Zaher Cqaadir. Mr qaadir ayaa wajahaya eedeymo la xiriira in uu maleegayay in uu dalka soo geliyo daroogo iyo in uu hub haysto.
Madaxa cadaalada sare ee dalka Ben Mark Ekhubi ayaa sheegay in codsiga dhiibistiisa uu ahaa mid xaq ah waxa uuna amray in Qaadir lagu wareejiyo maamulada Mareykanka.
Qaadir ayaa lagu xiray magaalada Nairobi kadib markii uu ka yimid magaalada Kabul, waxaana ilaa hadda uu ku jiray gacanta booliiska. Mareykanka ayaa soo saaray amar lagu soo xirayo bishii March 2025.
Si kastaba ha ahaatee, Qaadir ayaa beeniyay eedeymaha loo soo jeediyay, wuxuuna sheegay in kiiskan uu yahay mid siyaasadeysan.