Dhakhaatiirta dalka Itoobiya oo maanta shaqa joojin ku dhaqaaqay

Xirfadlayaasha caafimaadka ee dalka Itoobiya ayaa maanta oo Talaado ah bilaabay shaqo joojin guud oo dalka oo dhan ah oo ay kaga dalabanayaan mushaar kordhin ka dib markii uu dhamaaday waqtigii ay dowladda u qabteen in ay wax kaga qabato cabashadooda.

Maalmihii ka horeeyay bilowga shaqo joojinta, shaqaalaha daryeelka caafimaadka oo ay ku jiraan dhakhaatiir, kalkaaliyeyaal iyo umulisooyin, ayaa isu soo baxyo badan ku qabtay gudaha iyo hareeraha isbitaallada dalka.

Maalmihii la soo dhaafay tiro dhakhaatiir ah ayay boolisku ku xirxireen caasimadda Addis Ababa iyo meelo kale oo dalka ka mid ah iyadoo qaarkoodna la sii daayey.

Dadka la xiray waxaa ka mid ah madaxii ururka mihnadlayaasha caafimaadka Itoobiya. Hay’adda xuquuqda aadanaha u dooda ee Amnesty International ayaa ku baaqday in la sii daayo dhammaan maxaabiista.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker