BURCO: WAXAY HORUMARAYSAA MARKA DADKEEDU SIYAASADA KA MIDOOBAAN.
Magaalladda Burco waa hooyada halganka gobanima’doonka, tacliinta, Suggaanta ย iyo halyeeyada Somaliland iyo guud,ahaan Soomaalida, Waxaa ka dhashay hormuudkii ย Heeryo diidka gumaysta Sida Shiikh bashiir, Faarax Oomaar iyo kuwo kale oo badan oo bog dahaba kaga jira Mahadhada Sooyaalka taariikhda, Dhamaan halganadii La Soo Maray ย waxaa hormuud ka ahaa Burco manajirto Cid kale oo kula tartami karta, Ingriis Illaa (SNM) waxaana ka Soo baxay Inta badan hoggaamiyayaashii Ururkiii (SNM) Iyo Somaliland.
Sidoo kale waa Magaalladda ugu Facawayn magaallooyinka Xeebaha ka baxsan ee Somaliland, ย lkn Nasiib darro Burco waxba kuma laha ย dheefta Somaliland laga helay Intii ay jirtay, Maggaalladdan ayaa u dhuuxyaysan Xisbiyo iyo qabyaalad kala qoontay dadka Isku Qooska ah ee reer Burco, kana dhigtay Meel ย ay kala qaybisay Siyaasada Qabiilaysan ee waddanka ka jirta, Iwm. Burco waa meeshii laga buddhigay dib ula Soo Noqoshada Somaliland Sanadkii (1991). Waana Mid ka mid ah labadii gobol ee waqooyiga ee lixdankii lamidoobay gobolladdii koonfureed ee Somalia oo berigaa ahaa together iyo waqooyi galbeed Inkastoo Markii danbe ka farcameen gobolo kale.
Hadaba ย Sida dadka qaar aaminsanyihiin Burco kama jirto kala qaybsanaan beeleed lkn waxa Burco ka jirta kala qaybsanaan Siyaasadeed amma Xisbi, oo ay Ku kala qatooween Siyaasiyiin Isku haya qab Madaxnimo.
Waxa jira dhowr arimood oo u sabab ah Dayaca iyo dib udhaca Ka Muuqda magaalladda Burco iyo guud ahaanba gobolka togdheer, waxaana kamid ah Burco malaha Illo-dhaqaale oo ay ka Soo Xarooto Cashuur daboolikarta ย baahiyaha iyo adeegyada danta guud ee magaalladda Burco, Sida kastam, garoon diyaaradeed iyo deked, ย Somaliland waxay leedahay Saddex Illood oo dhaqaale oo dhamaan Ku Yaalla gobolkii la odhanjiray waqooyi galbeed ee Hargaysa Caasimada u tahay Wana Kastamka kalabaydh oo lagu Cashuuro qaadka iyo Qudaarta ka timaada Ethiopia, dekeda Berbera oo ah Insha dhaqaale ee Ugu Wayn Somaliland iyo garoonka diyaaradaha ee Magaalladda Hargaysa.
Sidoo kale Xoolaha Nool oo uu hoddan Ku yahay gobolka togdheer waxaa lagu Cashuuraa Magaalladda Berbera, wana ย ย Arin khaldan oo aan Xaq ahayn ย Una baahan In Xukuumaddu dib Uga fiirsato, Si loo hello Sinaan dhaqaale iyo Isu dheelitir dakhli.
Ugu danbayntii Burco Waxay u baahantahay In dadkeedu u Midoobaan horumarka iyo haggaajinta Magaalladdan ay ย haggaasiyeen Qabyaalada iyo Siyaasada qariban, Sidoo kale Waxaan Xoojinayaa baaqii iyo tabashadii uu muujiyay Maayir Muraad iyo golaha deegaanka Burco oo ka turjumayay ย Xaqa iyo Xaqiiqda dhabta ah ย ee Waddanka ka jirta.
Burco