Turkiga oo ka hadlay xiisadda dagaal ee Pakistan iyo Hindiya

Dowladda Turkiga ayaa ka hadashay xiisadda u dhaxeysa dalalka Pakistan iyo Hindiya, ka dib weerarkii ay Hindiya ku qaaday Pakistan.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Turkiga ayaa war ay ku baahisay baraha bulshada ku sheegtay, inay ka walaacsan tahay xaaladaha ka soo cusboonaanaya Hindiya iyo Pakistan, isla markaana ay si dhow ula socoto arrimahaasi.

“Waxaan cambaareyneynaa tallaabo kasta oo kicinaya rabshadaha iyo weerarada lagu beegsado dadka shacabka ah iyo dhismayaasha rayidka ah,” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Wasaaradda.

“Waxaan rajeyneynaa in tallaabooyin la qaadi doono sida ugu dhaqsiyaha badan si loo dejiyo xiisadda”, ayay intaas raacisay.

Bayaankala soo saaray ayaa sidoo kale labada dhinac loogu baaqay inay iska ilaaliyaan ficillo hal dhinac ah”.

Sidoo kale, bayaanaka ayaa lagu sheegay in Turkiga uu Pakistan ku taageerayo dalabka ah in baaritaan lagu sameeyo weerarkii 22-kii bishii hore ka dhacay Pahalgam, qeybta Hindiya .

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker