Raysal wasaaraha Pakistan: Waan u Aargudi-doonaa dhiigi daatay.
Waxaa weli taagan xiisadda u dhaxeysa dalalka Pakistan iyo Hindiya, ka dib markii ay Hindiya shalay gantaallo ku weerartay dalka Pakistan iyo qeybta ay Pakistan maamusho ee Kashmir, oo labada dhinac ku muransanyihiin.
Labada dal ayaa is dhaafsanaya hadallo kul kulul. Raysal wasaaraha Pakistan, Shabaz Shariif, ayaa sheegay in Hindiya ay ku degdegtay go’aankii ay ku weerartay Pakistan, isagoo wacad ku maray inay u aari doonaan dhigii daatay.
Hadalkan ayuu sheegay xili uu khudbad u jeedinayay shacabka dalkiisa. Tallabada Hindiya ayu uku tilmaamay mid “fuleynimo ah.
Waxaa uu sheegay in ciidamadooda cirka ay soo rideen diyaarado dagaal oo ay leedahay Hindiya, taas oo Hindiya aanay weli xaqiijin.