Hadal uu yidhi Trump oo ka careysiiyay Israa’iiliyiinta

Hadal ka soo yeeray madaxweyne Trump oo la xiriira tirada dadka Israa’iil ee Qasa lagu haysto ayaa dhaliyay caro badan oo qoysaskooda ah. Wuxuu sheegay in 21 ka mid ah 59-ka qof ay nool yihiin, halka qoysaska oo soo xiganaya ilo rasmi ah ay ku adkeysanayaan in tiradu ay tahay 24.

Qoysaskan ayaa ka dalbaday dowladda Israa’iil in si rasmi ah loo caddeeyo, iyagoo ku eedeeyay inay qarisay xogta, waxayna soo cusboonaysiiyeen baaqooda ku aaddan xabbad-joojin ilaa laga soo deynayo dhammaan la haystayaasha.

Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa Arbacadii isna shaki galiyay saddex qof oo ka mid ah dadka lagu haysto Marinka Qasa, ka dib markii ay soo baxeen warar is khilaafaya oo iyaga ku saabsan.

Waxaan hubnaa in 21 la haystayaal ay nool yihiin, ma jiro wax khilaaf ah oo arrintaas ku saabsan,” Netanyahu ayaa ku yiri muuqaal uu soo dbartiisa Telegram.

“Marka waxa hubaal ah in 21 ay nool yihiin, laakiin cidna ka tagi mayno, saddexda soo hartay ama dhammaan kuwa kale,” ayuu raaciyay.

Horay, kanaalka 12-aad ee Israa’iil ayaa ugu warramay in isku-duwaha arrimaha maxaabiista iyo dadka maqan, Gal Hirsch, uu sheegay in 59 qof wali la haysto, kuwaas oo ay ka mid yihiin 24 nool iyo 35 la dilay oo la xaqiijiyay aqoonsigooda. Hirsch wuxuu xusay in 54 ka mid ah ay yihiin Israa’iiliyiin halka 5 kale ay wataan dhalashooyin dalal kale.

Marka loo eego tira-koobkii ugu dambeeyay ee ay daabaceen militariga Israa’iil, 251 qof oo ay Xamaas ku qabteen weerarkii aan hore loo arag ee Israa’iil 7-dii Oktoobar, 2023, 58 ayaa weli lagu haystaa marinka Qasa, oo ay ku jiraan 34 qof oo dhintay.

Sida ay muujinayaan tirakoobyadii ugu dambeeyay ee uu faafiyay milatariga Israa’iil, tirada dadka ay Xamaas qafaasheen intii lagu jiray weerarkii aan horey loo arag ee ay ku qaadeen Israa’iil 7-dii Oktoobar, 2023, waxay ahayd 251 qof, kuwaas oo 58 ka mid ah wali lagu haysto Marinka Qasa, iyadoo la dilay 34 qof oo dadkaas ka mid ahaa.

Intaa waxaa dheer, waxaa jira askari Israa’iili ah oo lagu dilay dagaalkii 2014 ee u dhexeeyay Israa’iil iyo Xamaas, kaasoo meydkiisa wali ay hayaan Xamaas.

Dhanka kale, Guddoomiyaha e Xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Midoobay, Volker Türk, ayaa walaac ka muujiyay qorshaha Israa’iil ay ku ballaarinayso weerarka ay ku hayso Qasa, isagoo uga digay in qorshayaashani uu abuuri karo xaalado halis gelin karta jiritaanka shacabka Falastiiniyiinta.

Türk wuxuu sheegay in barakicinta qasabka ah ee dadka loo wareejinayo koonfurta Qasa, oo ay weheliyaan hanjabaadaha lagu doonayo in dibadda looga saaro, ay abuureyso walaac weyn oo la xiriira ujeeddooyin horay loo qorsheeyay oo ka hor imaanaya sharciga caalamiga ah.

Milatariga Israa’iil ayaa soo saaray kumannaan ciidamo keyd ah oo la helo marka loo baahdo, iyagoo isu diyaarinaya howlgallo ballaaran oo dhulka ah, kuwaas oo, sida laga soo xigtay ilo Israa’iiliyiin, lagu doonayo “in si buuxda loogu qabsado” Qasa.

Dhinaciisa, Wasiirka Maaliyadda Israa’iil, Bezalel Smotrich, ayaa ku dhawaaqay in Marinka Qasa la “baabi’in doono gabi ahaanba,” isla markaana dadka deggan lagu khasbi doono inay u guuraan dal saddexaad, kaddib marka loo raro koonfurta Qasa.

Isaga oo ka jawaabaya hadalkaas, Volker Türk waxaa uu sheegay in ballaarinta weerarka aysan keeni doonin yoolalka la sheegayo, balse ay horseedi doonto dhimasho dheeraad ah, burbur baahsan, iyo barakicin dadweyne oo ballaaran.

Sidoo kale, wuxuu walaac xooggan ka muujiyay in dadka shacabka ah laga gooyay adeegyadii aasaasiga u ahaa nolosha, isagoo carrabka ku adkeeyay in isticmaalka gaajada ama xannibaadda raashinka oo loo adeegsado xeelad dagaal ay tahay dembi dagaal oo ka hor imaanaya sharciga caalamiga ah.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker