Beeraleyda Qaadka Kenya oo ka cabanaya in koox ganacsato Soomaali ah uu u xidhan yahay dhoofinta Qaadka
Ururka Ganacsatada Qaadka ee dalka Kenya (Nyambene) ayaa walaac weyn ka muujiyay in ganacsiga qaadka ee Soomaaliya uu u xiran yahay hal koox oo ganacsato ah, kaasoo si gaar ah u maamula tirada qaadka maalinkasta la dhoofiyo.
Ganacsatada Qaadka ee dalka Keya ayaa ku tilmaamay arrintaan mid si weyn u dhaawacaysa nidaamka tartanka suuqa, waxayna carqalad ku noqotay sida ay sheegeen hirgelinta nidaamka qiimeynta cusub ee ay dowladda Kenya soo saartay.
Nyambene ayaa ku tilmaamtay in heerkani uu keeno in beeraleyda iyo ganacsatada kale ee yaryar aysan helin fursad ay si caddaalad ah uga faa’iideystaan wax soo saarkooda. Waxay sidoo kale muujiyeen in nidaamka cusub ee qiimaha uu noqonayo mid aan dhaqan geli karin inta uu jiro in dhoofinta Qaadka ee loo dhoofiyo Soomaaliya uu u xiran yahay hal koox, taasoo hoos u dhigeysa dakhliga beeraleyda.
Tallaabadan ayaa timid kadib markii Wasiirka Beeraha ee Kenya, Mutahi Kagwe, uu digniin adag u diray ganacsatada qaadka, kuna hanjabay in lagala laaban doono rukhsadaha dhoofinta haddii aysan la jaanqaadin qiimaha cusub ee dowladda dejisay.
Si kastaba ha ahaatee, ganacsatada ayaa sheegay in qiimaha dowladda dejisay aanu suurtagal ku ahayn xaaladda hadda jirta. Warbixin ay soo saartay Nyambene ayaa muujisay in qiimaha kiilada qaadka ee suuqyada Soomaaliya uu hadda yahay KSh600, taasoo aad uga hooseysa qiimaha Kenya soo rogtay.
Ganacsatada ayaa sidoo kale cabasho ka muujiyey kharashaadka sarreeya ee lagu saaro dhoofinta, gaar ahaan lacag dhan $4.5 oo laga qaado halkii kiilo ee qaadka ah marka laga dhoofinayo garoonka Jomo Kenyatta International Airport (JKIA).
Waxay sheegeen in kharashkan uu qeyb weyn ka yahay sababta uu qaadka Kenya u noqdo mid qaali ah oo aan la tartami karin midka Itoobiya.
Dowladda Kenya ayaa loo jeediyey baaq ah in ay la xiriiro dowladda Soomaaliya si loola xisaabtamo kooxda gacanta ku haysa ganacsiga qaadka, lana sameeyo isbeddel sharciyeed iyo mid maamulka si loo ilaaliyo danaha beeraleyda.
Sidoo kale, ganacsatada ayaa codsi u diray Madaxweynaha Kenya, William Ruto, iyagoo ka codsaday in uu arrintan kala hadlo Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, si loo helo xal waara oo lagu hagaajinayo ganacsiga qaadka ee labada dal ka dhexeeya.