๐๐๐๐๐ฑ๐ฐ๐๐ฒ๐ง๐ ๐ค๐ฎ-๐ฑ๐ข๐ ๐๐๐ง๐ค๐ ๐๐๐ ๐๐ฒ๐๐ ๐๐๐๐ซ๐ข๐ ๐๐๐๐จ ๐ค๐๐ ๐ ๐ช๐๐ฒ๐-๐ ๐๐ฅ๐๐ฒ ๐๐๐ซ๐๐ฆ๐๐ฒ๐ง๐ญ๐ ๐๐ข๐ข๐๐๐ฆ๐๐๐ข๐ข ๐๐๐๐๐๐ง๐ข๐ ๐ ๐๐ก๐๐ ๐๐ ๐ฎ๐ ๐ฎ ๐๐๐ฆ๐๐๐๐ฒ๐๐ฒ ๐๐จ๐๐จ๐ฅ๐ค๐ ๐๐๐ง๐๐๐
Madaxweyne Kuxigeenka Somaliland Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi iyo weftigii u hoghaaminayey ayaa maanta ka qayb-galay Qaramaynta Ciidankii Maddaniga ahaa iyo gadiidkoodii dagaalka ee ugu dambeeyey Gobolka Sanaag.
Munaasbaddan lagu Qarameynayey Ciidanka Maddaniga ah ayaa ka qabsoontay Madaxtooyada Ceerigaabo, taas oo ahayd mid ka duwan munasabaddii hore ee Qaramaynta Ciidanka Maddaniga, maadaama ay ahayd tii ugu dambaysay.
Madaxweyne Ku-xigeenka JSL Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi ayaa halkaasi ka jeediyey khudbad dhinacyo badan taabanaysa taasi oo uu kaga war-bixiyey qorshaha ballaadhan ee Qaramaynta Ciidanka Maddaniga waxana uu yidhi:
“Waxa maanta halkaasi inoogu soo gebogaboobay Qaramayntii Ciidamada Maddaniga ah ee Gobolka Sanaag. Horay waxa inoogu soo dhammaaday Saraar iyo Sool, Togdheerna iyadna meel fiican bay maraysaa.”
Geesta Kale Madaxweyne ku-xigeenka JSL Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi ayaa sheegay in aanu Madaxweyne ku-xigeenka u ahayn cid gaar ah ama Gobol gaar ah balse uu yahay Madaxweyne ku-xigeenka ummadda JSL oo dhan, waxana uu yidhi:
“Dadka ayaa ku celceliyey in aan Ceerigaabo iyo Gobolka Sanaag aan ku soo noqnoqday taasina waxa aan ka leeyahay Ceerigaabo waan jecelahay mana ihi Madaxweyne ku-xigeen reer Awdal oo keliya ee waxa aan ahay Madaxweyne ku-xigeenkii Somaliland oo dhan.”
Ugu Dambeyntii Madaxweyneku-xigeenka JSL ayaa ka hadlay khayraadka Gobolka Sanaag, waxana uu sheegay in laga faa’iidaysan doono dhawaan, waxana uu yidhi :
” Sanaag waa Gobol ay ka buuxaan khayraad kala duwan oo ayna haysan aduunka kale! Waxa aynu ku dedaalaynaa sidii looga faa’iidaysan lahaa khayraadkaasi.”