QURBA JOOGTA HABARI HADDAY JABHAD USHEEGATO LACAGTA ISAGASOO DAADINAYSA AYAAN KUXASUUSTAYE “Sheeko Qosol badan”
Qurba-joogta hadday habari jabhad baan ahay ama horjooge u ahay tidhaado lacagta isagasoo daadinaysa ayaan kuxasuustee dhawr iyo toban sano kahor ayaa magaalada Ceerigaabo waxa yimid nin dhallinyaro ah wuxuna dadka usheegay inuu kasocdo hay’ad dadka ku maalgelinaysa dhaqashada digaagga, isaguna uu usii diiwaangelinayo dadka dhaqanaya digaagga iyo qof kastaaba inta xero-digaag ee uu doonayo in lagu maalgeliyo, qofkastaana halkii xero digaag ahba wuxu bixinayaa lacag 200,000/= Somali shilinkii cad-cadka ahayd.
kaddibna waxa kadhacday aniga 2 xero aniga 3 aniga 4 iyo qofba intuu lacagteeda bixin karayey in lagu boobo ninkaas.
Ninkii Aw-diiwaangeliye ahaa markuu arkay in diiwaan gelintii xeryaha digaaggu soo dabar go’ayso ayuu iska tegey, dhawr cisho kaddib ayaa magaaladii iskula wareegtey wiilkii landcruiser-ka watey ee xeryaha digaagga diiwaangelinayey yaa arkay?
Nin dadka xikmaddda usaaxiibka ah kamid ahaa alle haw naxariistee ayaa subaxii danbe isagoo maqaaxi fadhiya qisadii dadka lacagtooda lagu dhacay looga sheekeeyey. Sidii hadal kale looga eegayey ayuu kii dhinaciisa fadhiyey wuxu kuyidhi
“WAARYAAHE Oo ILLEYN INNAKAA KAHURUDNEE BAHASHA BULUNBULBA KUMA OODNA”
Imminka lacagta Qurba-joogta illeyn innakaa kahurudnee “Waa adigoo guri hoostiis kujira Jabhad usheego keliya”. Mahadsanidin