XASSAN AADAN WADAAD-DIID WAXA UU AHAA AAS-AASAHII JABHADII S.N.M. W/Q: Khadar Aar
Fikirkasta oo Dunida guudkeeda ku cusub kadibna dhaqangal-noqda,wax la taaban karana u eekaada waxa huubaal ah in uu jiro aas-aaskiisa ugu horeeya Hal qof oo curuntiisa iska lihi ,kaasoo u gudbiya qofaf kale, si ay wax isaga waydiiyaan fikradaasi uu curunteeda leeyahay ee maskaxdiisana kasoo maaxatay.
Hadii aad in badan maqashay dhagahaagana ay ka badatay Erayga amma kalmadda Mufakir oo loola jeedo cid hurmuud ka ah asaas hawleed Dunida wax la taaban karo oo cusub kusoo kordhiyay , wali ma iswaydiisay ciddii ka danbaysay samayntii iyo curuntii Riyadii lagu aas-aasay Jabhadii SNM cidii iska lahayd .
Ninbaa laga hayey halku dhig odhanaaya:-
Xalay-baan gam’a diidoo
Darmadii qaban waayoo
Dulinna muu i cunayne
Wax danteena ku saansan
Iyo dareenbay ki cinaayey
Darmadii qaban waayoo
Dulinna muu i cunayne
Wax danteena ku saansan
Iyo dareenbay ki cinaayey
Horaantii sanadkii 1978 dabayaqadii kasoo noqoshadii dagaalkii xooganaa ee dal waynaha Itopiya ina dhex maray iyo xadhigii bahdilka ahaa ee lagula kacay Mujaahid Xassan Aadan Wadaad-diid ,kaasoo ahaa Qofkii ugu horeeyey ee lagu xidho Jeelkii Labaatan-jirow ,kaasoo loogu talagalay in lagu gumaado dadka aqoonta iyo garashada leh ee ka dhex muuqday umada Soomaliyeed .
Riyadii iyo dareenkii rumoobay iyo aas-aas fikradeedka Jabhaddii SNM waxa ay maskaxdiisa kasoo maaxatay cidina aanay ku labaynin IHN ,XASSAN AADAN WADAAD-ĎIID kaaso iska lahaa fikirkii mala’awaalka ahaa ee lagu aas-aasay Jabhadii SNM waxaana la odhan karaa fikrada curunta SNM waxay ka bilaabantay magaalada Muqdisho.
Riyadii iyo dareenkii rumoobay iyo aas-aas fikradeedka Jabhaddii SNM waxa ay maskaxdiisa kasoo maaxatay cidina aanay ku labaynin IHN ,XASSAN AADAN WADAAD-ĎIID kaaso iska lahaa fikirkii mala’awaalka ahaa ee lagu aas-aasay Jabhadii SNM waxaana la odhan karaa fikrada curunta SNM waxay ka bilaabantay magaalada Muqdisho.
Intani waa uun qoraal dareen baaraarujin isha Allaah waxaan ka fikiri doonaa sidii aanu Taariikhda Mujaahidka iyadoo dhamays tiran usoo bandhigi lahayn.idinkoo akhristayaal aanu garab xog ururin idiinka baahanay.
Waxa aanu dhawaan ku tala jirnaa in aanu iyada oo dhamays tira Tariikh taxane ah aanu kasoo gudbin doono Mujaahid Xassan Aadan Wadaad-diid IHN.
W/Q: Khadar Aar,
France Paris
France Paris