Imaam masaajid oo dil ka magangaliyay boqolaal masiixiyiin ah
Nin wadaad ah oo imaam ka ah masaajid ku yaala dalka Nigeria ayaa boqolaal dad ah oo masixiiyiin ah ka badbaadiyay in la laayo, kuwaas oo ay eryanayeen rag hubeysan oo muslimiin ah.
Dadka oo ah qoysas degen isla tuulada uu imaamkan degenyahay ayaa waxa ay ka baxsanayeen kooxo hubeysan oo illaa 300 gaadhaya oo kasoo jeeda qabiil xoolo dhaqato ah oo ay is hayeen qabiil beeralay ah oo masiixiyiin ah.
Imaamka ayaa gurigiisa iyo masaajidka ku qariyay illaa 262 qof oo isugu jiray rag, haween iyo carruur.
Sawirka imaamka ayaa daah saarnay, magaciisana waan qarinay si aysan naftiisa halis u galin.

Arrintan ayaa waxa ay qeyb ka ahayd rabshadaha weli kasii socda gobolka badhtamaha ee Nigeria, halkaas oo isku hayaan qabiilka Fulani ee muslimiinta ah, iyo kuwa Berom ee masiixiyiinta ah. iyaga oo isku haysta dhul daaqsimeed.
Ninkan waxaa qaraabadiisa dilay rag ka tirsan qabiilka Fulani
Imaamka ayaa is hortaagay albaabka masaajidka, isaga oo ragga ka codsaday in ay iska tagaan, balse waa ay ka dhago adeegeen, waxayna ku hanjabeen in ay gubi doonaan masaajidka, hase yeeshee waa uu baroortay, dhulka ayuuna isla dhacay, taas oo keentay in ay iska tagaan.
Imaamkan ayaa BBC-da u sheegay in sababta uu dadkan u caawiyay ay ahayd in 40 sano ka hor dadka masiixiyiinta ah ay ogolaadeen in masaajiddo laga dhiso deegaankooda, abaalkaasna uu weli u hayo.

SOURCE:-BBC SOMALI NEWS
S