XUKUUMADDA MUSE WAXAY GOAAN KU GAADHAY ABI AHMED WAA SOO DHOWEYNAYNAA FARMAAJO OO LA SOCDANA SOO DHOWEYNMAYNO.

Hadalka Suleiman Gaal  u Fiirsada wuxuu  sheegayaa hadana wuu shareerayaa waxaa soo socda iyo arintu siday u dhici doonto. Madaxdii Xukuumadda Muse iyo daba socdayaashii way isku  daateen  hadalkii qofba dhinac buu  riday. Qaar waxay leeyihiin Hogaamiye Muse Biixi waa la qasbay qaarna waxay leeyihiin Warqad bay Xukuumaddu Qortay diidmo ah.  Boone Duaale  isagu wuu isku darmay  oo hadalkiisii wuxuu  kusoo gebegebeeyey  Ethiopia iyo  SOMALILAND waxaa ka dhexeeya Wajaale (waa tuuladii dhooqada weyneyd ee uu kasoo jeeday).

Hadal iyo guntiisii arinkan   Xukuumadda Muse Biixi wey ogayd  afartii bilood ee u dambeeyey ee ay calaamaduu muuqdeen HESHIISKII CAARE, DABAGALE BOOLIISKA LOO DHIIBO,  INA SULUB HUDHUUB CAANA GEELA AH LOO DHIIBO, YAA ISAAQAY LASOO DHAQDHAQAAJIYO IYO WAXYAALO BADAN.  ISBEDELKII ETHIOPIA  EE ABI AXMED BAA SOO SOCDAY WAX IS HORTAAGI KARAYAA MA JIRAA SOMALILAND WAA KU QASAB INAY ISBEDELKAABI Axmed aanay is hortaagin lagama baryimaayo. Puntland cabbaadka ka baxaya waa maqlaysaan iyadoo aan weli la gaadhin. JUBBALAND XOOG BAA LAGAGA SAARaYAA MEESHA. ISBEDELkA ABI AHMED  PETROL KA SOMALIDA LOO SOO SAARAYO XAGGA BADDA, REER GALBEEDKU WAY wadaan isbedelka Abi Ahmed maxaa yeelay geeska Africa  carab baa laga fogaynayaa oo Ethiopia ayaa la hoosgeynayaa.
Ok soo dhaaf halkaa laba shay baa SOMALILAND horyaalla oo Hadduu Xukuumadda Muse ka dhabtay warqaddaa at leedahay Ethiopia ayaanu u qornay oo ay ka dhacayso is hortaagga isbedelka Geeska Africa ee Abi Axmed u hogaansamimayno oo waan carqaladaynaynaa maxaa SOMALILAND  ku dhicidoona. Ama wejiga  kale hadday  Waraaqdu aanay ahayn mid ka dhab sheegaysa waxa todobaadkan dhicidoona Abi Axmed Oo XAMBAARSAN FARMAAJO UU GAROONKA HARGEYSA KASOO DEGO DABCAN LANA QAABILO SIDUU SULEIMAN GAALBA SII TIBAAXIYEY IYANA MAXAA SOMALILAND SHACABKEEDII IYO HIMILADEEDII KU DHICI DOONA.  LABADA DHINACBA KhASAARAHA SIYAASADDA KULMIYE KEENTAY WUU WEYNYEY  AWELNA BOOBKA DANTA GUUD UUNBAA XISBIGA KULMIYE KA DHEXEEYEY EE DAACAD IYO WADAN HOGAAMINI  MAY JIRIN . HADDAY KULMIYE SOMALILAND  DANTEEDA WADAAN LABA SHAY OOY DIIDEEN BAY AQBALI LAHAAYEEN WAA 8 QODOB EE GACANLIBAAX IYO  HESHIISKII AY BEENIYEEN EE AY KHAATUMO LASOO GALEEN LAAKIIN  MAANTA  DHAMMAADKII HEEGO UUN BAA YIMI WADANKA SOMALILAND HADDUU SHIR QARAN SAMAYSTO WUU SII JIRI DOONAA HADDII KALE DHIBAATO AYAA KUSOO  FOOLLE.
M BASHE
qoranebashe@gmail.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker