๐๐๐๐๐ฑ๐ฐ๐๐ฒ๐ง๐ ๐๐ฎ-๐ฑ๐ข๐ ๐๐๐ง๐ค๐ ๐๐๐ ๐จ๐จ ๐ฌ๐ข ๐ซ๐๐ฌ๐ฆ๐ข ๐๐ก ๐ฎ ๐๐ฎ๐ซ๐๐ฒ ๐๐ก๐ข๐ซ๐ค๐ ๐๐๐๐๐๐๐ฒ๐ง๐ญ๐ ๐๐๐๐ฅ- ๐๐๐ฐ๐๐ฒ๐ง.
Madaxweyne Ku-xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi ayaa maanta si rasmi ah uga furray Masjid Jaamaca Degmada Ceel Afweyn ee gobolka Sanaag Shirkii Nabadaynta Qaran ee Ceel-Afweyn .
Furritaanka Shirkan ayaa waxa ka soo qayb-galay xubno ka tirsan Golaha Wasiiradda,Taliyaha Ciidanka Qaranka JSL, Guddoomiye ku-xigeenka Golaha Wakiillada JSL, Xildhibaano, Culima’uddiin iyo Madax-dhaqameedka beelaha walaalaha ah.
Haldoorkii madasha furritaanka shirka nabadaynta Ceel-afweyn ka hadlay ayaa si weyn uga hadlay mihiimadda ay nabadu u leedahay bulshada, waxa aanay ku baaqeen in loo baahan-yahay in loo guntado sidii loo xidhi lahaa nabada Ceel-afweyn, isla markaana looga dheeraan lahaa wax kasta oo wiiqaya nabadda, wadajirka iyo walaal-nimada bulshada reer Ceel-afweyn.
Madaxweyne ku-xigeenka JSL Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi oo furitaanka shirka ka hadlay ayaa sheegay in ay ka Xukuumad ahaan ay ka goโantay in la soo afjaro shaqaaqada soo noq-noqotay ee Ceel Afweyn, isaga oo xusay in Xukuumadda Wadajir iyo Wax-qabad ay diyaar u tahay in ay Ceel Afweyn ka fulliso mashaariic wax tar u leh bulshada deegaanka.
“Bisha Ramadaan waxa aan Gobolka Sanaag u joognaa waa damqasho iyo darreen, waxa aan doonaynaa in ay soo noqoto Ceel Afweyntii hore, waxa aan idinku dardaarayaa in aydaan kala socon, balse aad wada socotaan, in aydaan kala degin ee aad wada degtaan, in aydaan kala tashan ee aad wada tashataanโ
Ugu Dambeyntii Madaxweyne ku-xigeenka JSL Mudane Maxamed Cali Aw cabdi ayaa ku dhawaaqay gurmad dal iyo biyo ah oo la gaadhsiin doono dadka ku dhaqan Degmada Ceel-afweyn.