Ururka ONLF oo isku khilaafay heshiiska Itoobiya
Kowdii bishan March, Ururka ONLF ayaa soo saaray war-murtiyeed ay ku sheegeen in dowladda Itoobiya ay ka baxday heshiiskii ay la gashay ururkooda 2018-kii.
Garab sheegtay inay ka mid yihiin ururka ONLF ayaa maalintii Talaadada shir jaraa’id oo ay arrintaas ku beeninayaan ku qabtay magaalada Jigjiga, iyagoo soo saaray go’aan ay ku diiddan yihiin arrimahaas.