Maxaa Ka Soo Kordhay Markabkii Xoolaha Ka Qaaday Berbera Ee Ku Xannibnaa Jiddah?

Iyada ay bilaha loo diyaar-garoobayo Gudashadda Waajibaadka Xajka ay tahay Xiliyadda ay Xoolaha Somalidu suuqa balaadhan helaan,ayaa sannadka waxa jira caqabado badan oo la deris ah,inay si habsami ah u dhoofaan xooluhu,ka dib markii ay Somaliland ka biyo-diiday Shuruudo ay sheegtay inay Dawladda Sucuudigu kusoo rogeen Xoolaha ka dhoofaya Dekadda Berbera,taas oo ay ugu mudnayd inay Warqadda Caafimaadka kasoo qaataan Dawladda Federaalka Somaliya.
Markab dhawaan Xoolo ka badan 20,000 oo neef ka qaaday Dekadda Berbera,isla-markaasna u rarnaa Ganacsato reer Somaliland ayaa la sheegayaa inuu  wali ku xaniban yahay Dekadda ku taalla Magaaladda Jiddah ee Dalka Sucuudi Carabiya,waxaana jirta walaac xooggan oo laga qabo inay xoolahaasi Markab ku dul-dhintaan amaba ay Xanuuno lasoo darsaan.

Halkan Hoose Ka Daawo Warbixintaas oo dhamaystiran

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker