Dhulgariir Ku Dhuftay Dalka Croatia
Ugu yaraan 7 qof ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhimatay 20 kalana ay ku dhaawacmeen, dhul-gariir Talaadadi ka dhacay badhtamaha dalka Croatia ee qaaradda Yurub.
Dhul gariirka oo uu Cabirkiisu ahaa 6.4 ayaa laga dareemay dhowr Waddan oo deris la ah Croatia,
Waana marki labaad oo muddo laba maalmood ah gudaheed uu dhul-gariir ka dhacay Croatia.
Kooxaha badbaadada ayaa guryaha burburay Hoostooda kasoo bixiyay dhowr qof gudaha magaalada Petrinja iyo deegaannada u dhaw dhaw. Ciidamada millatariga ayaa loo diray Aaggaasi si ay dadka u caawiyaan.
Meelaha kale ee laga dareemay dhul-gariirka waxaa ka mid ah caasimadda Croatia ee Zagreb iyo caasimadda Austria ee Vienna halka dalka deriska la ah ee Slovenia uu xidhay warshadda kaliya ee Niyukleerka sameysa, si looga hortago khasaare uu sababo dhulgariirka.