Madaxwaynaha Somalia oo Xalay La Kulmay Qoyskii uu ka Baxay AHN Cali Khaliif Galaydh

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan tacsi ah la qaatay Ehelada iyo Qoyskii  uu ka Baxay AHN Ra’iisul Wasaarihii Hore ee dalka Marxuum Cali Khaliif Galeydh . Kuwaasoo ka soo qeyb galay Aaskii-qaran ee loogu sameeyey Muqdisho.

 

 

Madaxweynaha ayaa la wadaagay qoyska iyo qaraabada marxuumka in maamuuska Qaran ee Dowladda Soomaaliya ay u sameysay Ra’iisul Wasaare Cali Khaliif ay ka tarjumeyso sida shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay u xasuusan yihiin doorkii uu ka qaatay dowladnimada iyo horumarinta dalka.

 

 

“Geerida, Alle ha u naxariistee, Ra’iisul Wasaare Cali Khaliif Galleydh ma ahan mid kaligiin gaar idin taabatay ee waxa ay ahayd mid si murugo leh ay wadajir u dareemeen shacabka Soomaaliyeed, maadaama Marxuumku uu dowladnimadeenna kaga Tegay raad muuqda.”

 

 

Dhankooda, Ehelada iyo qaraabada Marxuumka ee kulanka qeybta ka ahaa ayaa uga mahadceliyey Madaxda iyo Hay’adaha Dowladda Federaalka Soomaaliya maqaamka sarreeyey ee lagu soo dhaweeyey iyo aaska Qaran ee loo sameeyey Ra’iisul Wasaarihii Hore Marxuum Cali Khaliif Galeydh.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker