Xildhibaan Saleebaan Dogax Oo Ugu Baaqay Madaxweynaha Inuu Kala Diro Golaha Deegaanka Uu Wakhtigoodu Dhamaaday
Xildhibaan Saleebaan Daahir Cabdillaahi ( Dogax ), oo ka mid ah mudanayaasha golaha deegaanka Hargeysa ayaa qoraal uu soo dgigay barta uu ku leeyahay facebook-ga kaga hadlay xilka ka dhamaaday Xildhibaanada Golaha deegaanka Hargeisa isagoo ugu baaqay inuu madaxweyne muuse biixi kala diro Goleyaasha Deegaanka, waxaana uu qoraalkaas oo dhan u dhignaa sidan:—
” Madaxwaynaha waxaan baaq ugu dirayaa inuu u naxariisti dalka iyo dadkiisa KU DHACNA YEESHO KALA DIRISTA GOLAHA DEEGAANADA.
KUWA SOO SOCDANA SHARCI ADAG OO XAKAMEEYA LASOO SAARO.
Saaxiibayaal mudo xileed keenii wuu dhamaaday.
Xil kaygii gudan maayo, aan hadana joogo, cabashana hay dheeraato waa ayaan daro.
Xildhibaanada Golaha deegaanka Hargeisa inaynu hada cabanaa waa wax laga xishoodo.
Shaqadii laynoo doortay inagaa ku badalanay maalin dagaal iyo inaynu maayorka hoosta ka galno una guul wadayno. MAAN FILAYN INAYNU cabano oon waliba ku doodno xasaanad baa nalaga qaadayaa. Waxaynu u qalanaa mar hore layna kala diro.
Mayorka yaynaa eedayn waayo inagaa ka dhignay madaxwayne. Cuqubadii aan shaqaysanaa ina haysata.
SHAQADEENII LAYNOO SOO DOORTAY INAGAA GABNAY KANA DOOR BIDNAY INAAN ILA SAWIR MAYORKA AMA LA QAYIL KA DHIGNAY.
Waxaa la ogaaday in laynaga maarmi karo oo aynaan waxba caasimadda ama dalka ugu filayn.
Sidaa awgeed waynu mutaysanay in layna kala diro ee nin walawba shaqo tag.
2017 wixii ka dambeeyay waxaynuku fadhinaa qayrul sharci.
Madaxwaynaha waxaan baaq ugu dirayaa inuu u naxariisti dalka iyo dadkiisa KU DAHCNA YEESHO KALA DIRISTA GOLAHA DEEGAANADA.
KUWA SOO SOCDANA SHARCI ADAG OO XAKAMEEYA LASOO SAARO.
PARLIMENT
Golaha wakiilada waxaan leeyay sharci dalka wax u tara soo saara oo ahayn mid dana gaara aad ka rabtaa..
Golayaasha deegaanka yaynaan noqon sida kuwan parlimentka oo aynu banayno kuraasta bal inay cid wax ina dhaantaa timaado ilayn waynagan hawl gabka ahe dhaafi wayna file iyo mukhalasnimo e..
HADII INUUN DADNIMO IYO KARAAMO INAGU HADHAY AAN ISWADA CASILNO INTAAN LAYNA KALA DIRIN EE INOOGOO BILAA KARAAMA AH DIBADA LAYNOO TUURIN. ”
Allaa mahadleh
Saleban Dahir Dogox