Cali Abukar Cali wuxuu naftiisa waayay isaga oo naf kale badbaadinaya
Warbaahinta Britain ayaa hadal haysa Cali Abukar Cali oo 20 jir ah Soomaali ah oo u geeriyooday dhaawac soo gaaray xilli uu ku howlanaa badbaadinta haweeney 82 jir ah oo iyaduna u geeriyootay weerar mindi ah oo lagu qaaday xilli ay ku sugneyd maqaaxi ku taal xaafadda Brentford ee woqootiga London.
– Allaha u naxariistee Cali waxaa uu ahaa nin dhalinyara ah oo haysta dhalashada Britain, asal ahaana kasoo jeeda Soomaaliya.