Hay’adda Socdaalka Soomaaliya Oo Sheegtay In Ay Dib U Bilaabayso Bixinta Baasaboorka Soomaaliga
Muqdisho(OWN)-Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya ayaa sheegtay in dib ay u bilaabayso bixinta Baasaboorka Soomaaliga kadib markii mudooyinkii dambe uu hakad ku yimid adeegyadiii Baasaboorka ee ay bixin jirtay laanta socdaalka.
Masuuliyiin ka tirsan hay’adda socdaalka iyo jinsiyadaha ayaa warbaahinta u sheegay in 4-bisha oo ku beegan maalinta beri ah ay si rasmi u bilaabi doonaan bixinta adeegyadii baasaboorka iyagoona raali gelin ka bixiyay mudadii uu hakadka ku yimid howlihii baasaboorka.
Sidoo kale waxa ay sheegeen in maalmihii lasoo dhaafay ay wadeen dib u habeynta iyo casriyeynta habka bixinta Baasaboorka Soomaaliga taasoo ay sheegeen in ay haatan guul wax ku ool u ah umadda Soomaaliyeed ka gaareen.
Si kastaba ha ahaatee hay’ada Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ayaa mudooyinkii ugu dambeeyay waxa ay magaalooyin badan oo dalka kamid ah ka hirgelinaysay xarumo laga qaato Baasaboorka Soomaaliga ah iyadoona taasi ay keentay in shacabka deegaanada iyo magaalooyinka fog fog ay u fududaatay helidda baasaboorka iyo guud ahaan adeegyada ay bixiso hay’adda.