Sarkaal ka tirsanaa Al-Shabaab oo duqeyn cusub lagu dilay

Kismaayo (OWN) – Taliska Africom ayaa faah faahin ka bixiyey duqeyn diyaaradaha Mareykanka shalay ay ka fuliyeen qeybo ka mid ah gobolka Jubbada Hoose ee koonfurta Soomaaliya.

 

Warsaxaafadeedka Africom ayaa lagu sheegay in duqeyntu ay ka dhacday Deegaanka Beerxaani oo ku yaalla galbeedka  magaalada Kismaayo.

Sidoo kale Africom ayaa sheegtay in Weerarkan lala Beegsaday goobo ay ku sugnaayeen dagaalyahannada Xarakada Al-Shabaab oo ku xoogan halkaasi.

 

 

Africom ayaa sidoo kale xaqiijisay in duqeyntaasi dhanka cirka ah lagu dilay sarkaal ka tirsanaa dhaq dhaqaaqa Al-Shababaab, kaas oo ku sugnaa deegaanka Beerxaani.

 

Qoraalka ka soo baxay Africom ayaa ugu dambeyn lagu sheegay in howlgalkaani ay gacan ka geysteen ciidamada Soomaaliya, islamarkaana aysan jirin khasaare soo gaaray rayidka ku dhaqan deegaanka la duqeeyey, sida ay hadalka u dhigtay.

 

 

Dhowaan ayey aheyd markii duqeyn tan la mid ah uu Mareykanka ka fuliyey Jubbooyinka, taas oo lagu khaariyey xubin ka tirsaneyd Shabaab.

Tan iyo markii la guda galay sanadkaan 2020-ka diyaaradaha dagaalka Mareykanka ayaa sare u qaaday duqeymaha ay ka fuliyaan gobollada dhacan koonfurta Soomaaliya.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker