Qaramada Midoobay Oo Ka Digtay Cuno Yaraan soo Foodsaartay Qaaradda Africa.

Faafitaanka caabuqa Coronavirus waxa uu waxyeelayn  doona Waxsoosaarka, waxana uu sababi doonaa cuno-yaraan soo food saarta Boqolaal milyan oo qof oo ku noolAfrica sidana waxa sheegtay Qaramada Midoobay oo digniintan tabinaysa.

 

 

Wadamada Faqriga ah ee aan wax-soo  aarka lahayn, kuna Tiirsanaa cunada ay soo dhoofsadaan, waxa ay u baahnaan doonaan in la quudiyo si ay u noolaadaan, sababta oo ah coronairus oo saameeyay waxsoosaarkii iyo hilinadii cunada la soo marinayay ee dunida ayay tidhi hayada Cunada Aduunka ee WFP.

 

 

“Ilaa hada si guud ayaan ula macaamilaynaa dalalka cunada soo saara, waxana ay ka waalacsan yihiin xaalka hada jira iyo shaqo-la’aanta ku habsatay shaqaale badan, waxana intan dheer in khalkhal ka jiro dhinaca kale ee waxsoosaarka oo ah dadkii waxa la soo saaro iibsanayay oo uu saameeyay hoos u dhaca dhaqalaha Aduunka soo food saaray”

 

 

Walaacan laba dhinaclaha ah ee isbiirsaday, waxa uu sababayaa cuno yaraan saamayn wayn ku yeelata dunida 3aad, ee aan waxsoosaarka lahayn

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker