Adiguna Marinkii Gaza Noqo Ana Aan Ice Cream Ku Cuno Hargaysa …..Dheeshaa Intee Laga Dheelaa.!
Askariga horjoogaha Heego ,.wuxuu gartay in gobolada bariga laga dhigo marinka Gaza oo kale iyadoo beesha caalamka laga dhaadhicinayo dad dugaag ah iyo argagixiso ayaa ku noolย oo hadaad haya’ad samafal aad tahay ood isku tagtid bariga Somaliland nabadgalyadaadu khatar bay ku jirtaa……….. waxa dhacday oonu Documents haynaa hadii loo baahdo aanu dadka la wadaagi doono in Macaali wasiir Sacad Cali Shire markuu ahaa Wasiirka khaarajiga beesha caalamka ka dhaadhiciyey inay Hargeysa iyo Berbera uunย nabad yihiin oon muwadiniinta reer galbeedku dhaafin labadaa magaalo Muwaadin is waydii nabada taal Berbera een Burco ool maxay tahay ?! waar ma waxynu ka yeelaa inaynu QASA noqono ?!ย waar xaabada inoo soo gura aynuย meesha diirino ee baryeey ice cream Hargeysa ku cuntaye ……..ย
Kow : Xaalada Siyasadeed ee Somaliya :
1.ย ย ย ย ย ย Soomaliya waxay arkaysay ama ka socday dhaqdhaqaaq siyaasadeed oo weyn kasoo lagu hirgaliyey guulo siyasadeed ilaa ay suurto gal noqotay inay soo noqotay kalsoonidii uu shacabku ku qabay Xukuumada Soomaliya hada ka jirta tasoo ay daba socdeen shirar dhawr ah oo ay isugu yimadeen dhinacyada kala duwani iyo goโamadii kasoo baxay sida Tubtii loo jeexay nabada ( peace Road map )ย ย waxa xusid gaar ah mudanย ย ย shacabka Somaaliyeed , hayaโadaha Caalamka iyo cid kastoo daneysa danaha Soomaliya sidii diiraneyd ee ay usoo dhaweyeen .
2.ย ย ย ย ย ย Waxa Qalinka Ku duugay oo saxeexay Xukuumada Soomaliya , Xukuumada SOMALILANDย ย , Maamul Goboleedka Puntlandย ย iyo Maleeshiyo Beleed u janjeedha Xukuumada Soomaliya Tariikhdu markay ahayd 26/03/1433 Hย ย tasoo u dhiganta 18/02/2012 miylaadiga Heshiis ay ka mid tahay in la sameeyo Barlamaan Cusub oo leh laba Gole iyo in la sameeyo dastuur cusub oo ogolaanaya nidaamka Federaalkaย .
3.ย ย ย ย ย ย Waxyaabaha hor taagan inay xaalada Soomaliya hagaagto :
a.ย ย ย ย ย ย Kala Qaysanaanta iyo iska hor imaadka xildhibaanda :
Wuu kusoo noqnoqdaa khilaafkani barlamaanka Soomaliya xukuumaduna way ku guul daraystay inay maarayso iyadoo mar walba la safata labada qolo ee is haya mid ahaan kuwa ay raacdo xukuumadu oo ah kuwa tirada yar ee uu hogaaminayoย ย Gudoomiyaha Barlamaanku , Hayaโdaha Caalamkuna way ku raceen arinkaa Xukuumada .ย Xildhibaanadii ka soo horjeeday Gudoomiyaha Barlamaanka ayaa ku guuleystay inay badalaan Gudoomyaha Barlamaanka kun goodiyey inay xil ka xayuubin ku sameyn donaan Madaxweynahaย ย Jumad Al-Awal 1433 H u dhiganta April 2012 . Tasoo keentay in fadhigii Barlamaanku qabsoomi waayo iyadoo mar walba ay buuxsami wayday tirada kal fadhi ku furmi karaa iyana waxay keentay in Barlamaankii ku fashilo inuu noqdo hayaโad sharci dajin .
b.ย ย ย ย ย ย Iska Hor imaad u dhaxeeya ninka ka socda UN-ta iyo masuliinta Soomaliya :
Masuliinta Soomaliya ayaa waxay ku eedeynayaan Danjiraha UN-ta ee Somaaliya Qaabilsan inuu isticmaalay awood uuna lahayn isagoo amar siinaya Masuuliinta waaweyn oo Somaali ahย ย isagoo hadana gargarkii Soomaliya loogu talo galay si shakhsi ah u istimaalay Somaaliyina aanya taa oglayn diidmadana si aada looga dareemay saxadaย ย Soomaliya .
Halka eeg hadaad doneyso
8de5543b-811e-44c3-ac9e-cd112a2d8e5f.tif
ae60c932-bd5f-e211-bb8c-002219c0fbbe.tif
Maqaalka Labaadย ย ( Warbixin ) :
Dhinaca Qabiilooyinka waxa cawday qabaโil aan kuย ย qancin saamigii la siiyey kuna goodiyey inay kalsoonida xukuumada kala noqon donaan kasoo dhib soo gaadhsiin kara danta qaran ee nabadeynta lakiin Xukuumada waa la ansaxiyey 13/12/2012ย ย siย ย jilaafoyinka loo digtoonado qabaโilkana loo raali geliyo wuxuu raysal wasaaruhu dhameys tiray xukuumadii 14/12/2012ย ย isgoo ku dhawaaqay 5 wassirul dawle iyo 20ย wasiirย ku xigeen tasoo noqonaysa 2ย wasiirย ku xigeen wasaarad kasta wasaradaha oo ah toban wasaarad kastaana qayb ka mid ah hawshii ay qaadan doonto wasaaradaha laysku daray . Xukumada cusub si diiran ayaa loogu soo dhawayey saaxada Soomaliya , iyadoo boqlaal qofi isugu soo baxeen wadooyinka caasimadaย ย si ay usoo dhaweyaan xukkumada kooban isku soo baxayadaa ay waxay kor u aqadeen dareenka Xukuumada cusub dareenkaa oo aan jirinย Xukuunmadihii ka horeeyey .
Talaabo aan ka madhneyn fariin wax ka ool ah xukuumada Somaliland waxay 17/12/2012ย ย sheegtay inay diyaar u tahay in wada hadalo la bilowdo xukumada Soomaliaya si ay usii wado wada hadaladii ay la bilabeen xukuumadii Somaliya ka horeysay kuwasoo hakaday intay Soomaliyi doorashooyinka ku jirtay lana soo afjarayey ku meelgaadhnimadii .
Xukuumada cusub aad baa loogu riyaaqay haday noqoto heer goboleed iyo heer caalami ba waxana mudan in la is kor taago sida diiran ee ay usoo dhaweyeen daneyayaasha reer yurub ee Soomaliya iyagoo ku balan qaaday inay caawin donaan xukuumada cusub sidoo Marykanka ayaa soo dhaweeyey xukuumada cusub tasoo oo uu bogaadiyeyย kaliyaha Wasiirka Khaarijiga ee arimaha Siyaasada
Waydun wada ogtihiin Mamnuuc bay ahayd in Somaliya lala hadlo waa kuwii Xukuumada Kulmiye Barlamaanka Somaliland ku yidhi Mamnuuca naga qaada , Barlamaanku waa kii yidhi waanu idinka qaadeynaa lakiin Sedexda Xisbi Qaran waa inay wada hadalada ka qayb galaan is waydii Muwaadin muxuu ku diiday xibiga Kulmiye inayย xisbiyada qaranku ka qaybgalaan wada hadalada ma dhalayska ah ?1!ย WAAR WADA HADALO MA JIRIN WAY SHAXAAD TAGEEN ILAA IYO MAANTANA WAA SIDII HEEGO NA WAY SHAXAAD TAGEYSAA GOBOLADA BARIGANA BANDOO IYO MARTIAL LAW BAA LA SAARAY .