Meeye Odayaashii Toosintu??
Anigu mucaarad kuma ihi dawladda kulmiyana waan ahay hayeeshee odayaashaa toosinta arinkoodu la yaab bay leedahay
Mucaarad iyo muxaafid tay doontaba ha noqotee Siyaasaddu haddaanay lahayn mabaadii iyo hadaf ay ku qotonto ma aha siyaasad
Isbedelkii sanad iyo badh ka hor dhacay ee lagu doortay madaxwayne Muuse Biixi Cabdi laga bilaabo maalintaa ilaa maanta maynaan arag manaynaan maqal odayadii toosinta. Tolow xagay qabteen? Maxaa bedelay? Madaxwayne Muuse Biixi waa xisbigii kulmiye ee ay haaraami jireen siyaasaddu waa tii madaxwayne siilaanyo waxba iskama bedelin waxyaabaha ugu badan ee eeddu ka jirtay waxa ka mid ahaa
DP world waa halkeedii shaqaduna waa socotaa madaarkii waa sidiisii shaqadiina waa socotaa xisbul xaakimkuna waa kulmiyihii tolow maxaa isbedelay??
Meeday toosintii shalay
Shir jaraa’id tebin jirey
Markuu tegey duqii hore
Siilaanyo talax gabay
Iyagiina kala tage
Dhaliishiyo tilmaantii
Boobe tiiri qorigii
Durbaankuu tumaayiyo
Turxaanta iyo qayladii
Cali guray dibnaa tolay
Taxtaxaashi socodkoo
Dhegawayne tooree
Dhaaxuu tiriig iyo
Dabaqaaday tooj wayn
Ina xaashigaan tudhin
Ama teela dhigan jirin
Isaguna ka taw yidhi
Tunbushii is raacdee
Dalka ugu tun waynayd
Meeday Tabashadoodii
Wixii tacab qasaar iyo
Goldaloolo taagnayd
Kulmiyihaa takoorteen
Marna aa tirbiiciyo
Tuuraha ku Sheegteen
Ma hadduu tisqaad yahay?
Afeef Boobe kama mid ahayn toosinta hayeeshee wuxuu ahaa mucaarad mayal adag oo hadda aamusay .
Anigu waxaan filayaa ma odhan karo waa qabyaalad waxa siilaanyana loo diidanaa muusana looga aamusay waxaanse filayaa inay tahay cuduradii qaaxo iyo ku jiq sii
Inta maanku gaajaysanyahay guuli waa weli
Hadraawi
Mahamed Elmi