Kaftankii ugu Xiisaha badnaa ee aanay ka madhnayn Siyaasadi oo Dhexmara Salaadiinta Reer Awdal Iyo Dhigooda Hargaysa oo ku Dhex Maray Arooska Qarniga.

Waxa uu ahaa Xaflad meher ah oo ay lamaane kuย  noqonayeen Cabdiqaadir Maxamed Cilmi Baabuloo iyo Nimco Boqor Cismaan Buurmadow, Waxa uu ka dhacay Crown Hotel ee magaalada Hargaysa, waxa uu ahaa aroos lagu xasuusto aroosyadii la oran jiray โ€œXidid-kaโ€, waxa ku kulmay labeentii reer Somaliland oo ka kala timid inta u dhaxaysa Lughaya iyo Ceel-af-wayn, ha ahaadaan Salaadiin, Siyaasiyiin, iyo haldoor kalabaโ€™e.

Waxa Hadalka Bilaabay Suldaan Abshir Maxamed Ducaale oo gabadha doonideeda lahaa, waxa uu ku dheeraaday Amaanta qoyska wiilka uu la safnaa, waxana uu xusay in qoyska reer Baabuloo ay u tiriyaan Ilbaxnimo, Reer magaal-nimo iyo Aqoon guun ah, taasina ay tahay mida maanta ku hagtay inay ina Boqor soo doonaan, waxana uu is daba digay duunyo isugu jirtay dahab iyo doolar iyo lacag kale oo uu mid walba si gaar ah ugu abtiriyay.

Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cali oo gabadha bixinayay ayaa gudoomay duunyada, kuna kaftamay in ay geel gabdhaha ka bixin jireen gabadhan ina-boqorna ay maanta ka filayeen in geel laga bixiyo

Suldaan Saleebaan Cali Ismaaciil oo hadalka ka daba qaatay ayaa labada reer ee maanta xididay mid walba waxa uu ka yaqaan ka sheekeeyay, waxana uu yidhi โ€œHabarjeclo 4 sano ayaan xidid la ahaa, gabdho iska daba dambeeyayna waan ka soo doonay, oo mid ka mid ah martidii ka soo qayb gashay Madaxwayne Siilaanyo ayuun baa ka maqnaa, taasina waxa ay I tusaysaa in ay yihiin beel gabdhaha qiimaysa, oo qadarisa, agtoodana ay ku wayn yihiin ee taas ha la ogaado, dhanka kale Beelahan bahabar-muuse ee Wiilku ka socdaa, waa beelo fac wayn oo ay ka soo aroortay maahmaahdii ahayd โ€œGeelii Maxad-case-ba meel kala waaโ€™, mida kale intan dheer waa beeshii ay ka dhasheen labadii wasiir ee dawladii kacanka xilka iskaga dambeeyay Muuse rabiile iyo Jaamac rabiile. Suldaan Saleebaan oo kaftankiisa sii wata ayaa ku soo noqday mida ku saabsan yaradka gabadha laga dhiibay waxana uu yidhi โ€œ hadii aad hadal ka keenteen yaradka laba god oo dahab ah oo buurta Siimoodi ah ayaan ku darnayโ€

Suldaan Xiiray oo hadalka la wareegay ayaa isaguna mid kale ka yidhi Yaradka, waxana uu yidhi โ€œYaradku waa na deeqay, waxanse leeyahay HAL-baa ka dhiman, hashaasina waxa ay tahay, gabadha aabaheed oo Boqor buur Madow ah maanta xukuumadu xadhig ayay u diyaarisay, waxanan leeyahay Xadhig iyo Xidid isma qabtaan ee mar hadii wiilku uu ka soo jeedo saldanadii Maxad-case oo madaxwayne ku xigeenkii ka soo jeedo ee hashii maqnayd noogu dara oo na dhaha โ€œBoqorkii waa cafisโ€

Suldhaan cabdiraxmaan Jaamac Dhawal ayaa uga dambeeyay oo lamaanaha u duceeyay, kuna soo qatimay hadalkiisa jawaabta kaftankii Suldaan Xiireey, waxana uu yidhi โ€œMidaas cafiska ah Suldaan dhinacayaga ma taalo, ma taalo dhinacayaga, hadii ayse taal Boqorku waa cafis, waxanse ku celinayaa dhinacayaga ma taal ee dhinaciina ayay taalaa ee hareerahaaga ka raadiโ€

Suldaan Ismaaciil Suldaan Cabdi Sh. Muxumed ayaa hadalkii kaftanka ahaa la wareegay waxana uu ku dheeraaday Masalooyinka isbaaysiga jeegaanta,isagoo xusay in beeshiisa Habar Awal lagu cabsiin karin shirkka Burco, iyo in la samaysto jeegaan kale oo ah beelaha Habar jeclo iyo Garxajis, wixii intaas ka dambeeyayna waxa uu u soo laabatay madasha iyo kaftan ku aadan martiqaadkeeda waxa uu yidhi โ€œMaanta waxaan filayay in marti qaadku dhinaca wiilka nooga yimaad mar hadii aan abti u nahay, waxase la iga soo casuumay Ceel-af-wayn, waxana uu Suldaan Cabdilaahi oo i agfadhiyaa uu I yidhi Adiga iyo abtigaa maad is haysaanโ€

Suldaan Ibraahim Jaamac Samatar oo kaftanka ka daba qaatay ayaa yidhi โ€œAbti sidaas way ahayd, balse Salaadiinta Habar-jeclaba Abdigood Dhul-bahante way ka yimaadeen, oo gabadha bixinteeda umay soo kaxaysan, martiqaadkuna maanta Abti ma ahayn ee Abb ayay doontay.

Dhinaca kale Madaxwayne ku xigeenkii hore ee Somaliland Cabdiraxmaan Awcali Faarax oo dhinaca wiilka ka socday, iyo Wasiirkii hore ee Arimaha gudaha Cali Waran Cade oo madashan ka hadlay ayaa ku dheeraaday duco, waano iyo waxsheeg ay u jeediyeen lamaanaha is calmaday, waxana y carabkooda ka dhawreen kaftan siysaasadeedka ay salaadiintu ku talax tagtay.

??
??

??

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker