Qodobbo muhiim ah oo ay si adag isugu dhaleeceeyeen Donald Trump iyo Kamala Harris
Dooddii madaxtinimo ee Maraykanku waxaa lagu sheegay arrimo badan oo laga yaabo inaad filaysay, waxaa kamid ah – ilmo iska soo rididda, socdaalka iyo dhaqaalaha.
Waa kuwan shan daqiiqadood oo laga yaabo inaad seegtay:
“Waxay cunayaan eeyaha” – tani waxay ahayd hadal uu yiri Donald Trump isagoo ku andacoonaya soo-galootiga Haiti ee Ohio inay cunaan xayawaanka rabaayada ah. Saraakiisha magaalada ma helin wax caddayn ah oo lagu taageerayo sheegashada. BBC Verify ayaa arrintan ka hadashay halkan
“Ganacsigan ku saabsan qof walba qorigiisa, Tim Walz iyo aniga waxaan nahay mulkiilayaal hub” – Harris ayaa markii ugu horreysay shaaca ka qaaday inay ahayd milkiilaha qorigii 2019, laakiin tan waxaa loo arki karaa isku day cusub oo lagu rafcaanayo codbixiyayaasha dhexdhexaadka ah
“Waxaan akhriyay xog sheegeysa in aanay madaw ahayn…kadibna waxaan akhriyay ixog kale oo sheegeysa nay madow tahay, taasina iyada ayey khusaysaa” – tani waxay kamid ahayd doodda Trump ee ku saabsan aqoonsiga jinsiyadeed ee Harris, oo uu su’aal ka keenay ololihii oo dhan. Harris waxa ay ku tilmaantay “musiibo” in Trump “si joogto ah, intii uu ku guda jiray shaqadiisa, uu isku dayay in uu isticmaalo jinsiyad si uu u kala qaybiyo dadka Maraykanka”
“Waa la wada ogsoon yahay in ay waraaqo isweydaarsadeen Kim Jong Un” – iyadoo doodda ay ku saabsan tahay siyaasadda arrimaha dibadda, Harris waxay ku weerartay xiriirka Trump iyo hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi, iyo sidoo kale madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin.
Bilowgii doodda ayey is weydaarsadeen salaan hadal heyn badan ka dhex dhalisay baraha bulshada ee caalamka taas oo ahayd mid aan la fileyn.