Kartoonistihii Kurt Westergaard Aflagaadeeyey Nebigeena Muxumad CSW Oo Geeriyooday
Kartoonistihii aflagaadeeyey Nebigeena Muxumad CSW ee lagu magacaabi jirey Kurt Westergaard oo u dhashay dalka Denmark ayaa geeriyooday, kadib, markii uu in muddo ah xanuunsanaa.
Warbaahinta caalamkaย ayaa sheegayย inay Qoyska Ninkaasi u xaqiijiyeen geeridiisa, isagoo 86-jir ahaa, Farshaxanistahaasi waxa uu u shaqeyn jirey Wargeyska Jyllands-Poston tan iyo sanadihii 1980-aadkii.
Waxa uu sawiro uu ugu gefay Nebigeena Muxumad CSW sawiray sanadkii 2005-tii, taasi oo ay Muslimiinta Caalamka ka dhiidhiyeen Xadgudubkaasi, waxaana dhacay Dibadbaxyo waa weyn oo looga soo horjeeday Ninkaasi ku xadgudbay Islaamka.