Wiil yar oo loo afduubtay in uu hago dadka dawarsada ee indhaha la’
Samuel Cabdulraxiim ma xasuusan karayoย maalintii laga afduubtay gurigooda oo ku yaal magaalada Kano ee Woqooyiga dalka Nigeria, xilligaasi oo uu toddoba jir ahaa.
In kastoo uu ka soo jeedo qoys aad u ballaaran oo aabihii uu dhalay 17 carruur ah oo ay u dhaleen afar xaas, haddana Samuel waxaa maalintaasi looga tagay gabar ka shaqeynaysay gurigooga.
Qoyskiisa waxaa loo sheegay in uu bannaanka la aaday baaskiil ama bushkuleeti, balse muddo lix sano ah waxay waayeen meel uu jaan iyo cirib dhigay.
Baadigoob
“Ma jirin waxa aanan sameyn si aan u helno walaalkey,” ayay tiri walaashiis Firdausi Okezie oo ka weyn.
Xilligaasi waxay ahayd 21 jir, balse markii hore looma sheegin in walaalkeed la la’yahay.
Samuel waxa uu ahaan jiray qofka ka jawaabay taleefoonka marka ay jaamacadda ka soo wacdo balse markii ay aragtay xubnaha kale ee qoyska oo taleefoonka ka qabanaya ayaa waxaa galay shaki.
Galab galbaha ka mid ah markii ay cashirka ka soo bexeen ayaa Firdausi waxa ay si lama filaan ah u timid xaafaddooda, waxaana aabaheed oo ah ganacsade uu ku khasbanaaday in uu u sheegay in Samuel la la’yahay muddo ka badan hal bil.

“Ugu horreyn, aabahay wuxuu xabsiga dhigay gabadhii shaqaalaha ahayd balse baaritaan ka dib waa la sii daayay,” ayay tiri Firdausi.
Sidoo kale waxaa maqnaanshaha Samuel laga qariyay hooyadiis oo mar hore la furay.
Mar kasta oo ay soo wacdo oo ay weydiiso wiilkeeda, waxaa loo sheegayaa in uu meel ku maqan yahay.
Balse markii dambe mid ka mid ah Samuel adeeradiis ayaa loo xilsaaray in uu u sheego in wiilkeeda la la’yahay.
Marka laga soo tago in baaritaan xooggan ay wadeen ciidamada booliska, haddana qoyska Samuel ayaa meel kasta ka baahiyay wiilkooda oo xitaa joornaalada ayay ku soo qoreen. Waxa ay sidoo kale baadigoobkiisa u xilsaareen dad ka soo raadiya waddooyinka magaalada.
Waxa ay ka raadiyeen xitaa bullaacadaha markii dambese waxay u yeereen wadaad u kitaaba daya halka uu jaan iyo cirib dhigay wiilkooga.
Muddo ka dib aya aabaha qoyska waxa uu xubnaha kale ee qoyskiisa uu ku wargeliyay in markaan Samuel laga soo qaado in uu mar hore dhintay oo ay ka samraan.
Walaashii Firdausi marna kama aysan niyad jabin walaalkeed. Waxay xitaa buugii ay qoreysay markii ay jaamacadda ka soo qalinjebinaysay ay u hibeysay walaalkeed. Sanad ka dib markii ay jaamacadda ka soo qalin jebisay ayaa waxa ay u wareegtay dhanka magaalda Lagos, halkaasi oo ay shaqo u raadsatay.
Waxay markiiba qaadatay diinta Masiixiga waxa ayna billowday in ay ku xirnayd kaniisad ku taal meel ka baxsan magalada Lagos.
Diseembar kastaa Kaniisaddaasi waxay qabataa kulan shan maalmood qaadanaya oo ay isugu imaanayaan dadka kaniisaddani ku taxan guud ahaan caalamka oo dhan.

Munaasabaddaasi oo loo yaqaan Shiloh ayaa dadka ka soo qeybgala kulanka waxaa qofkii raba la siiyaa meel uu ganacsigiisa ku soo bandhigo.
Diseembar sanadkii 2000 ayaa Firdausi oo wali shaqa la’aan ah waxa ay dalbatay in goob ay dhar ku iibiso laga siiyo Kaniisadda.
Iyada oo sugeysa farsamayaan ka caawiyo habeynta goobtaasi laga siiyay Kaniisadda ee ay dooneyso in ay dharka ku iibiso ayaa waxaa u yimid qof dawirsanaya, waxaa Firdausi markiiba isheeda ku soo dhacay wiil yar oo xiran dhar dhammaad ah oo hagaya ninka tuugsanaya.
Firdausi dhawaq ayay afka furatay markii ay ogaatay in wiilka ninka hagaya uu yahay walaalkeed oo sanaddo badan ka maqnaa.
Afduub
Samuel oo haatan da’diisu tahay 30 sano jir marnaba ma xusuusan karaya sida ay wax u dheceen markii la qafaalanayay: “waxa kaliya ee aan xusuusto ayaa ah Tareen la isoo raacay.”
Waxaa loo geeyay haweeney hubeysan oo ku nooleyd meel ka baxsan magaalda Lagos, gaar ahaan deegaan inta badan ay ku nool yihiin dad naafo ah oo intooda badan dawirsi ku nool.
Haweeneydaasi ayaa waxa ay shan doolar maalintiiba Samuel uga kireysataa nin dawirsada oo indhool ah.
Dalkaasi Nigeria waxa caadi ka ah dadka dawirsanaya ee ay wiilasha yar garwadaan, gaar ahaanna waddoonka sixmadda badan iyo sidoo kale goobaha cibaadada sida masaajidda iyo kaniisadaha.
Samuel ayaa haweeneydaasi kula noolaa guri cooshado ka sameysan.
Muddadaasi sanadada ahi ee uu maqnaa, waxa uu sheegay in uu arkay ilaa shan wiil oo kale oo ay haystaan haween ka kireysta dadka aragga la’ ee dawirsanaya.

Samuel waxa uu rumeysan yahay in wax isaga ka awood badan loo adeegsaday maadaama muddadaasi uusan waligii tabin qoyskooga.
Nolal addoonsi ah
Muddadii uu la noolaa haweeneydasi ayaa waxa bil kastaa ama usbuuc kastaa laga kireyn jiray qof indhoola ah oo uu garwado si waddooyinka uu uga soo dawirsado.
Samuel ayaa bannaanada la seexan jiray qofka soo kireystay ee uu garwado.
Haddii qofkii kireystay uu u bogay shaqadiisa waxaa uu qofkaasi mar kale kireysanayaa Samuel.
“Waxaan ahaa sida qof addoonsi loo haysto,” ayuu yiri. “Marna ma awoodin in aan yirahdow axaan rabaa in aan qoyskeega u noqdo ama aan xitaa wax kale sameeyo. Mar kastaa waxaan ahaa mid halkaasi diyaar ku ah.”
Muddadii uu dadka indhoolaha ah ee dawirsanaya hoggaaminayay ayaa Samuel waxa uu yeeshay saaxibbo badan, waxaana mararka qaar uu la soo cayaari jiray carruurta dadka dawirsiga ku nool ee deggan halkaasi.

Mararka qaar dadka ayaa cunno siiya marka ay dariiqyada tuugsanayaan, mararka qaarna waxa ay ku meereystaan agagaarka maqaaxidaha, halkaa oo ay ka helaan cunnada soo hartay ee qashin qubka lagu daadiyay.
“Mar kastaa gaajo ayaa ihaysay. Maalintii markaan shaqada ku maqanahay waa ay adag tahay in marnaba aad fariisatid,” ayuu yiri Samuel.
“marnaba dadka dawirsada ilama ahayn dad xun. Xilli hore ayay soo kacaan oo ay dawirsi tagaan sida dadka aroorti sook aca ee shaqa taga.”
Maalin kastaa Samuel waxa uu wareegayay daafaha magaalada Lagos, isga oo uu garabka haysto qof tuugsanaya.
Mararka qaar waxa ay ka tallaabayeen xudduudaha oo waxa ay u tuugsi tagi jireen dalka Benin. Haddii qofka tuugsanaya uu soo ogaado meel ay ku kulmayaan dad dhaqaale haysta, Sameul waxa uu markiiba garwadi jiray qofkaasi si uu halkaasi uga soo tuugsado.
“Mararka qaar daal awgii waxaad garab mareysaa dadka balse indhooleyaasha tuugsanaya waxa kuwo dareenkooga sarreeyo oo waxa ay markiiba fahmi karaan in halkaasi ay joogaan dad.”
Mucjiso
Bishii Diseembar ee sanadkii 2000 ayaa qofkii aah garwaday waxa uu maqlay in Kaniisadda Winners Chapel ay isugu imaanayaan dad meelo kala geddisan isaga kala yimid. Halkaasi oo ah uu markii dambe kula kulmay walaashii.
Markii ugu horreysay Firdausi waa ay rumeysan weyday in ay mar kale la kulanto walaalkeed oo codkeeda wali xusuusta.
“Dhulka ayaan ku dhacay,” ayay tiri Firdausi.
Firdausi waxay aad uga xumaatay in ay aragto walaalkeed oo aan hadlayn.
“Muddo ayay igu qaadatay in aan aqoonsado balse waan ogaa in ay tahay qof ehelkeyga ah,” ayuu yiri Samuel.

Isla markiiba dad ayaa goobtii ku soo xoomay. Sidoo kale waxaa halkaasi soo gaaray mas’uuliyiin ka tirsan kaniisaddii ay munaasabadda ka dhaceysay. Waxa ay markiiba fahmeen xammaasadda iyo hilowga ka muuqda Firdausi oo leh “maanta waxaa dhacday mucjiso” ay tahay in dadka oo dhan ay la wadaagto.
Samuel ayaa markiiba la geeyay qeyb kale oo ka mid ah kaniisaddaasi, halkaasi oo loo qabeeyay.
Isla markiiba waxaa la siiyay dhar cusub, waxaana la geeyay miimbarka kaniisaddaasi oo ay fadhiyeen 50,000 oo qof, halkaasi oo dadkii fadhiyay ay uga sheekeysay wiilkan iyo waxa uu yahay.
Habeenkii xigay Samuel iyo walaashii waxa ay dhex seexdeen baabuur yiilay qayb ka mid ah kaniisaddaasi.
Samuel ayaa markii dambe loo geeyay qoyskiisa balse wuxuu noqday mid la qabsan waayay nolasha cusub.
Hooyadii ayaa markii loo geeyay aqoonsan weyday wiilkeeda ilaa ay jirkiisa ka baarto astaan ay ku taqiin si ay u xaqiijiso in isaga uu yahay.