Eng Faysal Cali Waraabe oo loo doortay Musharaxa Madaxweyne Markii 4aad
Xisbiga mucaradka ah ee Ucid ayaa maanta yeesay kalfadhigii 8aad ee Golaha dhexe ee Xisbigaas, waxana ay ku dooranayeen Musharaxa madaxweyne iyo madaxweyne ku xigeen ee xisbiga Ucid.
Waxa musharax madaxweyne Loo doortay Guddoomiyaha xisbiga Ucid Eng FaysaL Cali Waraabe oo Markii afraad u tartamay jagada Madaxweynanimo ee Somaliland
Waxa isna Musharaxa madaxweyne ku xigeen loo doortay Cabdirashiid Ducaale Diiriye oo dhawaan xisbigaa ku soo biiray isagoo ka tirsanaa ahaana Guddoomiye ku xigeenka 3aad ee Urur Siyaasadeedka Waaberi