Shirweynihii Afraad Ee Laa,nta Xisbiga Waddani Ee Magaalada Sheffield Oo Lasoo Gabagabeeyay+Sawirro.
Sheffield-(OWN)-Xaflada si weyne loo soo Agaasimiya ayaa lagu qabtay magaalada Sheffield ee waqooyiga dalkan Ingiriiska.








Xafladaas oo ahayd shirweynihii 4aad ee laa,anta Sheffield ee Xisbiga Waddani UK
Waxaa xaflada shirweynaha ka soo qayb galay madax,xildhibaano ,Gudoomiyaha xisbiga waddani uk Mudane Maxamed Cali iyo Xoghaya guud ee Xisbiga Waddani UK mudane Farxaan Muxumed Guuleed.
Waxaa xusid mudan in xaflafaasi ay kulmiysay Afar gudoomiye oo laa,anta Sheffield hogaamiyay.
1.Gudoomiyhii u horeeyay laa,anta Sheffield Cabdi cisman Cagacade
2.Gudoomiyuhu 2aad Yusuf Cabdi Shire
3.Gudoomiyihii 3aad Cabdiraxmaan Cawile Maxamuud Qayir oo isagu maanta xilka wareejiyay
4. Gudoomiyiha xilka la wareegay maanta Prof Cumar Cisman (prof Xiis)
Dhamaan madaxdii halkaas ka hadashay waxay sheegeen Ahmiyada uu xilku leeyahay iyo culayska masuuliyada.
Waxaanay u soo jeediyeen Gudoomiyaha cusub duco iyo dardaaran.
Iyagoo si Wayne ugu mahad naqay gumiyihii hore iyo gudidii hawsha Xisbiga la waday mudadii saddexda sanno ahayd.
Sidii kale waxay xukuumada Xisbiga kulmiye u soo jeediyeen in dalka iyo dadkaba ay ka daayaan khalkhalka siyaasadeed un guntadaan wada jirka, isku duubnaanta iyo waxa wada qabsiga shacabka Jamhuuriyada Somaliland.
Gudida doorashooyinka ee dalka ku abuuray kala faquuqa iyo kala fogaansha in sharciga la horkeeno,maadaama ay nabada gelayd dalka khatar gelinayaan.
Waa in xukuumadu ay joojisaa ereyada xanafta leh ee ay caadaystay in badan ayaa Xisbiga Waddani u dul qaatay isagoo dhawray xasiloonida ,hase yeeshee xukuumadu dhan kale ayay u sahan tegaysaa.
Xafada waxaa kaloo ka soo qayb galay Xubno ka soo diga rogtay Xisbiga kulmiye halkaasna ka sheegay in hada laga bilaabo ay si mug iyo miisaan leh uga mid noqdeen bahweynta Xisbiga Waddani. Ka dib markay ku qanci waayeen hab dhaqankan Xisbiga kulmiye.
Ugu dambeyntii waxaa xaflada shirweynaha laa,anta Sheffield lagu soo afmeeray farxada guul iyo wada jirka shacabka Jamhuuriyada Somalilanad gudo iyo dibadaba.
Xoghayaha warbaahinta Waddani UK
Mataan M Omar .
Sheffield UK.









