Cabdullaahi Dool oo Xilkiisii Agaasimaha Wasaarada Arrimaha Debeda Somalia ku Waayay . Hadalkan (Waxaa Haboon Inay Dawladda Somalia Xidhiidh La Samaysato Dawladda israaiil)
Cabdullaahi Dool oo dhowaan wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya ay ka qaadday xil Agaasimenimo oo uu hayay kadib markii uu sheegay in ay habboontahay in Israa’iil xiriir lala yeesho ayaa BBC-da u sheegay in uusan ka shalaysanayn hadalkii uu kusoo qorey boggiisa Twitter-ka.
“Fikirkan fikir shaqsi ah oo aan aniga qabo ayuu ahaa, ma ahayn mid aan leeyahay wasaaradda ayaa qabta” ayuu yiri Doo loo sheegay in qaanuunka dublamaasiyadeed iyo kan qarankaba uu u ogolaanayo in qof kasta uu u madax banaanyahay fikirkiisa xorta ah.
Mar la weeydiiyay sababta ku kaliftay in uu soojeediyo aragtidaas, ayuu yiri “Waxa aan matalno oo aan danahiisa illaalino waa dalkeena, waxaa jira dalal aan oran jirnay dal iyo da bay naga haystaan oo aan la socono, marka dal aanan xudduud lahayn, marka Israa’iil 163 dal baa xiriir la leh, dunidana waa 196 dal, anaga cadaawad in aan iska wadno ma ahan, yaa kuu og horta”.
Dool oo mar soo noqday wasiir ku xigeen, muddo 35 sanno ahna wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya ka mid ahaa ayaa sheegay in uu wax badan xog ogaal u yahay, “Dagaalkan qasaaro weyn ayaan ku galaynaa, dagaal badan ayaa nagu socda” ayuu yiri Dool.
Wargeys kasoo baxa Israa’iil oo lagu magacaabo Times Israel oo dhowaan maqaal dheer ka qoray Dool ayaa ma’uulkan wax ka weeydiiyay sida uu u arko arrimaha Falastiiniyiinta, wuxuuna ku jawaabay “Kheyr badan ayaan u rajaynayaa reer Falantiin, waxaan qabaa in aragtida Falastiin ay la mid tahay tan uu dalkayga qabo oo ah in la gaaro xal labo dal oo la kala yiraahdo Israa’iil iyo Falastiin, oo si nabad ah isugu garab nool”.
Cabdullaahi Dool ayaa hadda ku sugan meel ka baxsan Soomaaliya, wuxuuna yiri “Arrintan markii ay soo baxday kadib, aniga fasax ayaan soo qaatay, sababtoo ah amni darro shaqsiyan ah ayay igu keentay”.
Dool weli waa uu ka tirsanyahay wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya, wuxuuna sheegay in danaha Soomaaliya uu markasta difaaci doono.