Faahfaahin ka soo baxaysa socdaal raysal wasaaraha Itoobiya uu ku tagay dalka Suudaan

Raysal wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa gaaray magaalada Port Sudan isagoo booqanaya dalka ay colaaduhu aafeeyeen markii ugu horreysay tan iyo markii ay colaaddu ka qaraxday sannadkii hore bishiisii Abriil.

Sawirro ay baahisay warbaahinta dowladda ayaa muujinaya inuu la kulmay madaxa ciidamada qalabka sida ee Suudaan iyo hoggaamiyaha milatariga Jeneraal Cabdul Fattax al-Burhan.

Iyada oo Itoobiya ay xiriir dhow la leedahay Imaaraatka Carabta oo inta badan lagu eedeeyo inay taageerto ciidamada RSF, ee Suudaan, ayaa haddana waxaa muuqanaya in Addis Ababa ay xiriir adag la lahayd madaxda ciidamada bilihii la soo dhaafay.

Si kastaba ha ahaatee, khudbad uu dhawaan baarlamaanka ka jeediyay, Mr. Abiy wuxuu wacad ku maray in maamulkiisu uu ilaalinayo isla markaana aanu fara gelin ku sameyn doonin siyaasadda iyo arrimaha dalka ay deriska yihiin.

Itoobiya lafteeda ayaa hadda wajaheysa colaado dhinacyo badan leh balse waxa ay sidoo kale martigelineysaa tobanaan kun oo rayid ah oo ka cararay dagaalka Suudaan.

Ilaa hadda ma cadda in socdaalka Mr. Abiy uu qayb ka yahay dadaallada lagu nabadeynayo Suudaan iyadoo dagaallada socda ee u dhexeeya ciidanka iyo RSF ay sii socdaan dad badanna ay ku dhimanayaan maalin walba

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker