Xukuumadda Oo Ka Jawaabtay Caddaalad Darrada Maayarka Burco Sheegay In Gobollada Bari Lagula Kacay

Maayarka Magaakada Burco Maxamed Muraad , ayaa soo bandhigay cadaalad darada Goboloda Bariga ee Mashruuca horumarinta ee SDF, isaga oo sheegay in gobolada Galbeedka ay Mashruucaa qateen 74% halka Gobolada Bariga Somaliland ay mashruucaa hurumarinta SDF ka heleen 26%, taasi oo uu sheegay in ay tahay wax aan la qaadan karin. Maayarku waxa uu hore u sheegay in dhaqaalaha dalku isugu biyo shubtay degaanno gaar ah oo uu ku sheegay Berbera, Hargeysa badhkeed iyo Gabiley isaga oo sheegay in xeerka cashuuraha Barrigu dad gaar ah u danaynayo.

Maayar Murraad ayaa haddalkiisu u dhignaa sidan:-” Durba xan ayaanu maqlayna Mashruucaa SDF  markii xagaa lagaga wada hadlayey  Mashruucan Burco horta dib u yara dhiga ayaanu maqlaynaa , taa tii ka horeysayna 3-da Gobol ee galbeedka , Maayarka gobolada Bari ayaan annigu ahaye cidda aan u hadlaana had iyo jeer gobolada hadhay weeye ee goboladii Somaliland ka hadhay Saddex-da gobol ee Bariga ayaan u hadlaa 3-da Gobol ee Galbeedka boqolkiiba inta ay SDF ka qaateen saw maydaan akhiriyin imisa ayey ahayd 74% ayey saddex-da gobolada galbeedka,  3-daa gobol ee Barigana 26% ayey qaateen ayaa lagu soo ururiyey, taasi waan iska samirnay oo waan iska aamusnay, walaahi taa maanta u dul qaadan mayno mana suuroobeyso mashruuca Burco ee biyaha ku saabsan waa inuu kow noqdaa wax-yaabaha qaranka laga qabanayo ,taas uunbaanu 74%kii hore kaga samraynaa ” Ayuu yidhi Maayar Muraad

Dhanka kale Maayar Muraad ayaa ku hanjabay in haddii mashruuca hurumarinta Biyaha ee Burco dib loo dhigo inuu soo bandhigi doono wax yaabo ka dhana SDF ” Wax badan oo SDF aanu hoos u sii eegaynaa wey jirtay qayladeeda badan, ayaanu iska diidaynay , laakiin mashuurcaasi haddii uu hadho, waa faraqaynaa wax alaale wixii aanu haynaba .”

Dhinaca kale xukumadda madaxweyne Biixi ayaa ka jawaabtay eedaha culus ee Maayarka Burco waxaanay sheegtay in aanu jirin mashruuc dib loo dhigay ama laga joojiyay gobolka Togdheer sida uu shalay sheegay wasiirka Qorshaynta Cawaale Ibraahin Shirwac.

“Mashuuc laga joojinayo Togdheer  oo biyaha ahi in aanu jirin,wasiirkii ugu dambeeyey ee wefti hogaaminaya anniga ayuu ahaa oo Bookhday iyada oo ay ila socdaan Madax kale , waxaananu bookhanay mashruucaa biyaha ah wixii ugu dambeeyey ee ka dhinaa Mashruucaa marka uu socdey waxa aan soo balan qaaday in la dhammaystiri doono Taangi ayuu ahaa wax ka dhiman yihiin, dambca qaybo badan oo magaalada ah Biyaha in la geliyo wey u baahantahay taasna waxaan eegidoonaa qaybta labaad ee SDF, lakiin wax laga joojiyey ama dib looga noqday ma jiraan .” Ayuu yidhi wasiirka Qorshaynta.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker