Raysal Wasaare Netanyahu oo meel kasta lagaga keenay

Mudaaharaad aan noociisa horey uga dhicin Israel ayaa xalay gilgilay Magaalada Tel Aviv, kaas oo lagaga soo horjeedo dagaalka Marinka Gaza.

Mudaaharaadkan oo ahaa mid ay dhigayeen qoysaska, ehelada iyo asxaabta la haysteyaasha Israeliyiinta ee lagu haysto Marinka Gaza ayaa waxaa ku biiray tobanaan kun oo qof oo kale, kuwaa oo dalbanaya in si degdega ah dagaalka loo joojiyo iyo in si nabdoon guryahooda loogu soo celiyo la haysteyaashii lagu afduubtay weerarkii October 7-deedii.

Dibadbaxayasha oo watay boorar ay ku qoran yihiin in la soo afjaro dagaalka ayaa ku qaylinayay ereyo ka dhan ah Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu, inuu is casilo iyo in la qabto doorasho waqtigeeda laga soo hormariyay .

Dibadbaxayaasha qaarkood oo buuxiyay Fagaaraha Dimoqraadiyadda ayaa fariistay dhul uu ku dahaaran yahay rinji cas, si ay uga mudaaharaadaan waxa ay ku sheegeen dhimashadii dimoqraadiyadda dalka oo sababteeda uu Netanyahu leeyahay.

Dibadbaxayaashu waxay ka niyad jabsan xisbiga midigta fog ee uu hoggaamiyo Wasiirka Amniga Itamar Ben-Gvir, kaas iyo xubnaha kale ee xagjiriinta ah oo lagu eedeeyay inay riixayaan in dagaalka uu sii socdo, isla-markaana ay khatar gelinayaan amniga dalka iyo nolosha la haysteyaasha.

“Waxaan halkan u joogaa, waxaan u baqayaa mustaqbalka ubadkayga. Mustaqbal ma jiri doono, haddii aynaan dibadda u soo bixin oo aynaan ka takhalusin dowladda xun.” Ayuu yiri qandaraasle Shai Erel.

Madaxii hore ee Hay’adda Sirdoonka Gudaha ee Shin Bet, Yuval Diskin oo la hadlayay dibadbaxayaasha ayaa sheegay in Netanyahu uu yahay Raysal Wasaarihii ugu xumaa ee Israel soo mara.

Benny Gantz oo dhawaan iska casilay golaha dagaalka ayaa ku biiray dibadbaxayaasha, waxayna keentay in dibadbaxayaashu ay si dhiiranaan leh u soo dhoobtaan afaafka hore ee Xarunta Xisbiga Netanyahu ee Likud.

Ciidamada amniga ayaa saacado ka dib bilaabay in ay xoog u adeegsadaan dibadbaxayaasha, tanina waxay dhabaha u xaartay in ay isku dhacaan dadkii mudaaharaadka sameynayay.

Ciidamada ayaa lagu eedeeyay in ay awood xad dhaaf ah u adeegsadeen dibadbaxayaasha, isla-markaana ay xirxireen qaar badan oo ka mid ah.

Muuqaalada laga helay goobta ayaa muujinaya booliska oo gacan adag ku wajahaya dadkaasi, oo goobta ka bilaabay inay dab shidaan.

Muuqaalada ayaa laga arkayaa gacan ka hadal dhex maraya ciidamada & dibadbaxayaasha iyo ciidamada oo si xoog ah ku xirxiraya bannaanbaxayaasha.

TV-ga Channel 12 ee Israel ayaa baahiyay muuqaal laga soo qaaday dibadbaxa lagaga soo horjeedo xukuumadda oo muujinaya booliska oo weeraraya Wariyeyaasha.

Tani ayaa loo fasirtay inaysan ciidamadu ogoleyn in Wariyeyaashu ay tebiyaan mudaaharaadka, waana wax ka duwan billihii ay dibadbaxyadu socdeen.

Hoggaamiyaha Xisbiga Shaqaalaha, Yair Golan ayaa si kulul u cambaareeyay xarig wadareedka ay ciidamada u gaysteen dibadbaxayaasha.

“Rabshadaha caawa hareereeyay mudaaharaadka waxay ka gudbeen dhammaan xuduudaha.” Ayuu yiri Yair Golan oo intaasi ku daray “Booliska waa in aan loo ogolaan in ay noqdaan qalab gacanta ugu jira xukuumadda musuq-maasuqa iyo fashilka ah ee burburineysa Israel.”

Isu soo baxyadu waxa ay Israel ka noqdeen dhacdooyin toddobaadle ah, oo xukuumadda looga dalbanayo in ay Xamaas la gasho heshiis xabad joojin ah iyo in guryahooda dib loogu soo celiyo dadka la haysteyaasha.

Dad tiradooda lagu qiyaasay boqol iyo konton kun (150,000) oo qof ayaa xalay isugu soo baxay Tel Aviv, kani oo noqonayo mudaaharaadkii ugu weynaa ee ka dhaca magaaladaasi, loogana soo horjeedo Xukuumadda Raysal Wasaare Netanyahu, tan iyo markii uu dagaalka bilowday.

Netanyahu ayaa hadda dareemaya xasillooni la’aan, haddii uu xoogeysanayo dabka kaga shidan gudaha.

Dibadbaxyaasha ayaa xalay si xoog leh ugu baaqayay in Netanyahu uu soo afjaro dagaalka muddada sagaalka bilood ka soconaya Marinka Gaza, isla-markaana aan natiijada lahayn.

Shacabka Israel ayaa ka soo horjeeda, sida uu Netanyahu u maareeyay dagaalka lagu riiqmay ee ay kaga dhinteen askartii ugu badneyd ee Israel dagaal kaga dhinta, tan iyo aasaaskii dowladnimadeeda.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker