Israel oo ka hortimid amarka ka soo baxay Maxkamadda ICJ

Israel ayaa ka hortimid amarka ka soo baxay Maxkamadda Caddaaladda Caalamiga ah ee ICJ ee lagu farayay in ay soo afjarto duulaankeeda deegaanka Rafah ee koonfurta Marinka Gaza.

Maxkamadda oo ka jawaabeysay dacwad ay Dowladda Koonfur Afrika ka soo gudbisay duulaankaasi iyo sida uu u xoojinayo xasuuqii ay Israel ka wadday Marinka Gaza ayaa Jimcihii soo saartay go’aankeedan. Maxkamadda ayaa sidoo kale Israel ugu yeertay inay ogolaato in gargaarka bani’aadantinimo uu gaaro Marinka Gaza.

Xukuumadda Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu ayaa sheegtay inuusan khuseyn go’aanka ka soo baxay Maxkamadda Sare ee Qaramada Midoobey, laguna joojinayo dagaalka.

La taliyaha Amniga Qaranka Israel, Tzachi Hanegbi ayaa sheegay in Israel aanay ka laaban doonin hawlgalka militari ee ay ku burburineyso Ururka Xamaas.

Tzachi Hanegbi ayaa beeniyay in Ciidamada Israel ay halis gelinayaan nolosha dadka rayidka ah, isla-markaana aysan illaa iyo hadda hawlgal buuxa oo khatar ku ah shacabka ka bilaabin Rafah.

Benny Gantz oo ka tirsan Golaha Wasiirada ee dagaalka ayaa isna sheegay in Israel ay sii wadi doonto weerarkeeda ee qaybaha Marinka Gaza.

“Mar kasta iyo goor kasta oo loo baahdo, Israel waxay sii wadeysaa weerarkeeda, oo ay ku jirto Rafah.” Ayuu yiri Benny Gantz.

Qoraal ka soo baxay Xafiiska Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu ayaa lagu diiday amarka Maxkamadda ICJ, isla-markaana uu hawlgalka Rafah yahay mid waafaqsan sharciga caalamiga ah.

Qoraalka ayaa lagu sheegay inaanay waxba ka jirin eedeymaha Koonfur Afrika ee sheegaya in Ciidamada Israel ay xasuuq ka gaysanayaan Marinka Gaza.

“Eedeynta xasuuqa ee ay Koonfur Afrika u soo jeedisay Israel waa been iyo akhlaaq xumo.” Ayaa lagu yiri qoraalka, iyadoo Tel Aviv ay weli ku adkeysaneyso duulaankeeda Rafah.

Ciidamada Israel ayaa horaantii bishan weeraray deegaanka Rafah, oo ay deganaayeen 1.5 milyan oo barakacayaal Falastiiniyiin ah. Weerarka dhinaca dhulka ee Rafah ayaa 800,000 oo qof ku khasbay in ay mar kale qaxaan.

Netanyahu ayaa iska indha tiraya cadaadiska caalamiga ah ee sii kordhaya ee ka dhanka ah weerarada ay ciidamadiisu ku bartilmaameedsanayaan dadka rayidka ah ee aan hubeysneyn iyo inay hortaagan yihiin kolonyada gargaarka ee Qaramada Midoobey.

Netanyahu ayuu sidoo kale culeys ka haystaa qoysaska iyo ehelada la haysteyaasha Israeliyiinta ee dibadbaxyada ka wada Magaalooyinka Israel. Dibadbaxayaasha ayaa dalbanaya in maamulku uu Xamaas la galo wareeg kale oo heshiis maxaabiis is dhaafsi ah, si guryahooda ay si nabdoon ugu soo laabtaan dadkii ay kooxaha wax iska caabinta ku qafaasheen weerarkii 7-dii bishii October.

Dadka mudaaharaadka wada ayaa ka cabanaya in Ciidamada Israel ay gaysanayaan weeraro ay ku dhibaateynayaan eheladooda lagu haysto gudaha Marinka Gaza, maadaama ay horey u gaysteen duqaymo ay ku dhinteen tiro la haysteyaal ah, kuwo kalena ay ku dhaawacmeen.

Madax adeyga Xukuumadda Raysal Wasaare Netanyahu iyo u hoggaansanaanta la’aanta ee xeerarka caalamiga ah ayaa Israel ka sii fogeynaysa dunida.

Tan iyo markii uu bilowday duulaanka Israel ee Marinka Gaza ayaa waxaa xumaaday muuqaalkeedii caalamka iyo xiriirkii ganacsi & wax is dhaafsi ee kala dhaxeeyay dowladaha qaar.

Ciidamada Israel ayaa illaa iyo hadda Marinka Gaza ku dilay 35,857 qof, 80,293 kalena ay dhaawaceen, sida ay Jimcihii xaqiijisay Wasaaradda Caafimaadka Gaza.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker