Dawladda Federalka ah ee Somalia oo Warqad Cabasho ah u Gudbisay Safiirka Dawladda Kenya U fadhiya Magaalada Muqdisho
War-saxaafadeed maanta ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Xidhiidhka Caalamiga ah ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Axaddii shalay ay Wasaaraddu u yeedhtay danjiraha Kenya ee fadhigiisu yahay Somalia, Lt General Lucas Tumbo.
Wasaaradda ayaa war-xasaafadeedkeeda ku sheegtay in danjiraha gacanta loo galiyey warqad cabasho ah oo ku aaddan farriin dhinaca twitter-ka ah, oo sida ay wasaaraddu sheegtay, uu “xad-gudub” ku jiray, kaas oo 27-kii bishii June uu qoray Mr. Machaira Kamau, wasiirka koowaad ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Kenya.
War-saxaafadeedka Wasaaradda ayaa lagu sheegay in farriintaas twitter-ka ahi ay xad-gudub ku tahay madaxbanaanida, midnimada, sharafta xadeed, isla markaana ay dhaawacayso xidhiidhka Soomaaliya iyo Kenya.
War-saxaafadeedka ayaa lagu yidhi “Soomaaliya waxay u taagan tahay daris wanaag, is qadarin iyo is kaashi soke oo ay la yeelato dariskeeda, arrin taas la mid ahna ay Kenya ka filayso.”