Qiso xanuun badan oo hadana la yaab badan (Liyuu boolis iyo nin bajaaj le ah)
Waxaan ahaa Aabe dhalay todoba caruur ah, caruurta hooyadadood waxa ay dhimatay tiiyoo kooda u wayn da,diisu tahay 13 sano. Anigu waxan ahaa madi aan wiil iyo gabadhtoona la dhalan, agoonimana ku soo koray, fursad uma aan helin in aan wax barto, yaraantaydii waxa aan ku shaqaysan jiray baalashle, dhuxule , iyo kirishboy. markii aan waynaaday waxa aan noqday xammaal, mudo kabacdi waxa aan iibsaday gaadhi-gacan ama kaaryoon , kaaryoonkii ayaan ka iibsaday gaadhi-dameer. Gaadhi-dameerkii ayaan ka galay hagbad, mudo shan sano ah markii aan shaqaynay waxa aan hagbadii ka iibsaday bajaaj.
Laba todobaad markii ay ka soo wareegtay maalintii aan bajaajta iibsaday, maalin maalmaha ka mid ah aniga oo suuqa maraya oo bajaajtaydii ku shaqaysanay ayaan la kulmay dhibaato aanan illaawi doonin inta aan dunida ku noolahay. Maalintaa waxaa i horsocday bajaaj kale oo dad saarnaayeen, waxaa labadayadiiba najoojiyay layuu booliis. Waxay bajaajtii iga horaysay ka dajiyeen dadkii saarnaa ka dibna iyaga ayaa ku wareegay oo koray.
Shan nin ayay ahaayeen, waxay u hanjabeen wiilka bajaajta watay, waxay ku yidhaahdeen “maxaad maalintii nooga baxsatay? ” diintiisa nabigiisa iyo ilaahiisa ayay midmid u caayeen. “kan kale soo kaxeeeya waa saaxiibkiiye” ayay yidhaaheen. Way na kaxeeyeen, waxay nala tageen xeradoodii, furayaashìi bajaajta ayay naga qaateen kadibna bajaajyadii ayay qaar ka mid ahi galeen, waligood niman bajaaj dhaqaajiyay ma ay ahayn, markiiba taydii ayaa ninkii la dhacday muraayadda ayaa burburtay, cadho ayaan is hayn waayay. Waan la diriray “bahasha ma adiga ayaa noo samaynaya” ayaan ku idhi.
Saacadiiba garbaduub ayaa la ii qabatay qori dabadii ayay ila dheceen, dhulka ayaa la i jiifiyay kabaha ayaa la ila dul maray, waxay iga saareen dharka , biyo qabawnna habeenimadii ayay igu rusheeyeen . Goor xilidambe oo habeen ah ayay meel xabsi ah igu soo tuureen, al-shabaab ayaa la igu soo eedeeyay. Waxaa la igarab qaaday afar midh oo rasaas ah, waxaa la yidhi hub ayuu si inyar inyar ah u soo galinayay wadanka. Ninkii anaga oo aan is aqoon waa saaxiib la yidhi ma garanayo meel uu ku dambeeyay isagu. Lix habeen ayaan halkii ku yiray. Maxkamad ayaa la i keenay maalintii todobaad, waxay igu xukuntay sodon sano oo xadhig ah.
intaa ka dib waxa la ii soo gudbiyay jeel Ogaadeen. Todoba sano ayaan ku jiray. Nafta waan nacay, aduunyada waan ilaaway. Jeelka dhexdiisa ayaan geerida ku sugayay, sanad walba dad nala xidhan ayaa la cafin jiray. Aniga mar walba waa la iga reebi jiray. Waxaa ilaahay noo soo diray raysalwasaaraha cusub Dr Abiye Axmed. Amarkiisa ayaan aduunyada marlabaad dib ugu soo laabtay. Hadii aan Dr Abiye Xukunka qaban lahayn waligayba xabsiga ayaan ku jiri lahaa. Markii aan xabsiga ka soo baxay wax badan ayaan Ogaaday oo aduunyada ka dhacay intii aan xidhnaa.
Caruurtayda inantii u waynayd waa la guursaday, waxay dhashay laba caruur ah oo aan awaw u ahay. Waxay iiiga sheekaysay dhibtii ay soo mareen iyada iyo caruurta kale. Markii la i waayay meel aan jaan iyo cidhib dhigay, jaarkayga oo dad wanaagsan ahaa ayaa caruurtii qaybsaday. Iyaga ayaa daryeelay oo iskuuladana ku daray. inantii caruurtayda u waynayd waxa guursaday nin oday ah sadex sano kadib xadhigayga. Markii dambe caruurta walaashood ayaa gurigeeda ku soo ururisay.
Ma soo koobi karo waayaha aniga iyo ubadkaygu todobadaa sano soo mudanay, imika dawladdii kililku way burburtay, madaxwaynihii ciidanka luyuu booliska sameeyayna waa la qabtay, wuxuu ahaa ninka ufasaxay liyuu booliska in ay wax walba sameeyaan, in ay dadka dhacaan, dumarka kufsadaan, ragga xidhxidhaan, hadaydoonaana laayaan. Wuxuu u samaystay in ay isagana ilaaliyaan shacabkana gummaadaan.
Iyada oo sidaasi jirto; waxaan jeclaan lahaa in Cabdi maxamuud cumar la soo celiyo. Wadanku cabdi ayuu tabayaa, geesi ayuu ahaa, ma Cabdi maxamuud cumar la,aantii ayaa wadanku hagaagayaa? ABIYE DOWN ABIYE DOWN ABIYE DOWN.HA DHOCO HA DHOCO ABIYE. Oromo ayuu nagu soo hogaaminayaa Oromo ayaa doonaysa in ay naqabsato. Yeeli mayno.
W/Q: M.C. Daahir