Kulan Sanaddeedka Baanka Dhexe Ee JSL Iyo Ururka Sarriflayaasha Ee WADAJIR + SAWIRRO.

Waxa maanta oo taariikhdu tahay 17 Bisha Ogost, 2021, ka dhacay xarunta Baanka Dhexe ee JSL kulan Sanaddeedkii labaad ee Baanka Dhexe iyo Ururka Sarriflayaasha ee Wadajir.
Kulan sannadeedkan oo uu soo qabanqaabiyey Baanka Dhexe ee JSL oo ay kasoo qayb galeen dhamaan Guddoomiyayaasha madaxda goboladda ee ururka Sarriflayaasha JSL.

Kulankan oo uu Shir-guddoominayey Guddoomiyaha Baanka Dhexe ee JSL, Mudane Cali Ibraahim Jaamac ayaa waxaa uu daarnaa
1. Xog iswaydaarsi la xidhiidha Arrimaha Xasilinta Sarrifka
2. Dejinta sicir bararka, iyo kor u qaadida qiimaha shilling-ka Somaliland.
Ugu horayn, waxa shirka furay Guddoomiyaha Baanka Dhexe ee JSL, Mudane Cali Ibraahim Jaamac oo xusay ahmiyada shirkan iyo muhiimadda ay leedahay in sanadkii mar la isku yimaado lagana wada hadlo xaaladdaha soo kordhay, waayo aragnimadda soo korodha, iyo Joogtaynta Xasilinta Sicirka Sarrifka.
Waxa iyaguna kulanka hadlay qaar ka mid ah Agaasimayaasha Baanka kuwaas oo ka warbixiyay heerarkii kala duwanaa ee sarrifku uu soo maray iyo waxyaabaha u qorshaysan Baanka Dhexe si loo sii xoojiyo xidhiidhka Baanka Dhexe iyo Sarriflayaasha JSL.

Dhinaca kale, waxa laga dhagaystay warbixino la xidhiidha heerka sarrifka, xaaladda sarriflayaasha, iyo degenashaha sarrifka iyo sicir bararka guddoomiyayaasha sarriflayaasha ee dhamaan gobollada JSL.
Kulankan oo qaatay saacado badan, waxaa intii uu socday la isku waydaarsaday afkaaro iyo soo jeedimo dhaxalgal ah.

Gunaannadkii, shirka waxa soo afmeeray Guddoomiyaha Baanka Dhexe JSL, Mudane Cali Ibraahim Jaamac, waxaa na la isla qaatay in si wadajir ah looga wada shaqeeyo sidii loogu adeegi lahaa bulshadda, lacagta wadankana qiimaheeda kor loogu qaadi lahaa, iyo sidii caqabadaha dhaqaale ee jira meel looga soo wada jeedsan lahaa.

May be an image of 2 peopleMay be an image of 18 people and people standingMay be an image of 5 people and people standingMay be an image of 1 person, standing and indoorMay be an image of 2 people, including Ali Ibrahim, people standing and indoorMay be an image of 3 people, people sitting and indoor

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker