Shirkii Golaha Wadatashiga Qaran oo u baaqday ‘sababo farsamo’

Shirkii ay Sabtida maanta ah yeelan lahaayeen golaha wadatashiga qaranka ayaa dib loo dhigay “sababo farsamo” awgeed, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay xafiiska Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya.

“Shirkan oo muhiim u ah dardargelinta horumarinta dowladnimada, gaar ahaan dagaalka lagula jiro Khawaarijta, dhammeystirka dastuurka, iyo arrimo kale oo masiiri ah ayaa dib loo dhigay muddo kooban” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka xafiiska Ra’iusl Wasaaraha.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Talaadadii iskugu yeeray kulan ay yeeshaan madaxda federaalka iyo kuwa heer goboleed.

Madaxweynaha ayaa warqado u kala diray madaxda maamul goboleedyada Puntland, Jubaland, Koonfur Glabeed, Galmudug, Hirshabelle iyo maamulka gobolka Banaadir.

Bayaan xafiiska Ra'isul Wasaarah

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker