Wasiirada Arrimaha Dibadda ee Ingiriiska iyo Jarmalka oo la kulmay Netanyahu

Wasiirada Arrimaha Dibadda ee Ingiriiska, David Cameron iyo Jarmalka Annalena Baerbock ayaa gelinkii dambe ee Arbacadii Magaalada Jerusalem kula kulmay Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu.

Wasiiradan ayaa Raysal Wasaaraha Israel u sheegay inuu ka laabto go’aankiisa ku aaddan in la weeraro Iran, iyagoona ku adkeeyay in maamulkiisu uu ka fogaado dagaal ballaaran oo ka qarxa Bariga Dhexe.

David Cameron ayaa kulankaasi ka dib sheegay inay doonayaan in hoos loo dhigo xurgufta Iran iyo Israel, iyadoo la ilaalinayo deganaanshaha iyo xasilloonida gobolka.

Cameron ayaa muujiyay inaanay cidina dan ugu jirin in looga sii daro xaaladda cakiran ee markii horeba ka jirtay gobolka.

“Waa in aan ka wada shaqaynaa gargaar wax ku ool leh oo gaara Marinka Gaza iyo sidii guryahooda dib loogu soo celin lahaa Israeliyiinta lagu haysto gudaha Gaza.” Ayuu yiri Cameron.

Annalena Baerbock ayaa iyana tiri “Qof walba waa inuu u dhaqmaa si miyir leh oo masuuliyad ay ku dheehan tahay.”

Masuuliyiintan ayaa noqonaya diblomaasiyiintii ugu sarreysay oo reer galbeed ah ee booqda Israel, tan iyo weerarkii tooska ahaa ee ay Iran dhawaan ku qaadday Israel.

Netanyahu ayaan illaa iyo hadda ka hadlin, haddii uu ka laabtay mowqifkiisa ku saabsan inay ka aargudanayaan Iran iyo in kale.

Hase yeeshee waxaa sii kordhaya cadaadiska xoogga leh ee kaga imaanaya reer galbeedka, si Tel Aviv ay isu xakameyso, ugana fogaato wax kasta oo qar iska tuurnimo ah.

Xulafada reer galbeedka ee Israel taageera oo Mareykanku ugu horreyo ayaa sheegay inaanay qayb ka noqon doonin weerar ay Israel ku qaaddo Iran, balse waxay ballanqaadeen inay difaaci doonaan, haddii la soo weeraro.

Ka dib weerarkii gantaalada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee ay Iran ku qaadday gudaha Israel ayay Iran sheegtay in weerarkaasi ay kaga aargudaneysay midkii Israel ay 1-dii bishan ku qaadday Xarunta Qunsuliyadda ay ku leedahay Magaalada Dimishiq ee dalkaasi Suuriya. Weerarkan oo ay fulisay mid ka mid ah diyaaradaha dagaalka ee Israel ayaa waxaa ku dhintay 12 qof, kuwaa oo toddobo ka mid ah ay saraakiil ciidan ahaayeen.

Madaxweynaha Iran, Ebrahim Raisi ayaa Isniintii ku hanjabay in Israel ay ka shalaayi doonto, haddii mar kale ay ku soo xadgudubto muwaadiniinta Iran iyo danahooda gobolka.

Indhaha dunida ayaa ku sii jeeda xiisadda adag ee dhammaadkii toddobaadka ka soo korortay Bariga Dhexe.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker