Gudoomiyaha WADDANI Oo Cadeeyey Mawqifkiisa Baaq Ka yimi Beesha Caalamka

Guddoomiyaha xisbiga WADDANI ee Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xassan ayaa si wayn uso dhaweeyey go’aanka ay dalalka beesha caalamku kasoo saareen doorashooyinka Somaliland.

Guddoomiye Xirsi ayaa qoraal uu ku baahiyey bartiisa Facebook-ga waxa uu ku sheegay in la joogo wakhtigii la dejin lahaa khariidada doorashada madaxtooyada.

Qoraalka guddoomiyaha ayaa u dhignaa sidan:—

“Xisbiga Waddani wuxuu waafaqsan yahay soona dhaweynayaa bayaanka ay soo saareen saaxiibbada Somaliland ee ku saabsan geeddisocodka doorashooyinka iyo guud ahaan horumarinta dumuqraadiyadda Somaliland.”

“Sida ku cad warqadda wadajirka ah ee Xisbiyada mucaaridku u direen Madaxweynaha 24kii January, 2022, waxa aannu aamminsannahay in hadda la joogo wakhtigii la dejin lahaa khariidadda doorashada Madaxtooyada ee 13ka November, 2022 iyo doorashooyinka kale ee muddaysan, iyada oo laga dheeraanayo inuu yimaaddo khilaaf sharci iyo Jaahwareer siyaasadeed.”

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker