Maraykanka oo u soo jeediyey Israa’iil, inay ka gaabsato weerar ay ku qaado Iran

Maraykanka ayaa ku booriyey Israa’iil inay is xakamayso, isla markaana ay ka fogaato inay xaaladda ka dhex taagan iyaga iyo Iran ay uga sii darto, xilli ay xukuumadda Israa’iil ay sheegtay, inay qaadayso tallaabo ay uga jawaabayso weerarkii ay Iraan ku qaadday dalkeeda.

“Ma doonayno inay xaaladdu faraha ka baxdo, sidoo kale waxaan doonaynaa inaan sii wadno taageerada aan u fidinayno Israa’iil, si ay isu difaacdo, iyo inaan ilaalino danahayaga gobolka” sidaas waxaa sheegay xoghayaha arrimaha debedda ee Maraykanka Antony Blinken, xilli uu la kulmayey ra’iisal wasaare ku xigeenka Ciraaq Maxammed Cali Tamim.

Ra’iisal wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa isugu yeedhay golihiisa wasiirada ee dagaalka, taasoo ah markii labaad ee uu qabto kulan noocaas ah, in ka yar 24 saacadood.

Waxaa isa soo taraya cabsida la xidhiidha, in weerarkii jawaabcelinta ahaa ee Iran, inuu albaabka u furo, dagaal ballaadhan oo dhex mara Israa’iil iyo Iran, isla markaana ku baaha gobolka oo dhan.

Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa u sheegay Netanyahu in Maraykanku ka qayb qaadanayn weerar kasta oo rogaal celin ah oo ka dhan ah Iran.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker