Ergeygii Midowga Afrika ee Soomaaliya oo ka hadlay amarkii dalka looga eryay

Qoraal dhawaan kasoo baxay Wasaarada arimaha dibadda Xukuumada Soomaaliya ayaa dalka looga eryay Simon Mulongo oo ahaa Ku-xigeenka ergeyga gaarka ah Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, kadib markii lagu eedeeyay arimo kala duwan.

Simon Mulongo, ayaa markii ugu horeesay ka hadlay go’aanka dowlada Soomaaliya dalka uga ceyrisay, waxa uuna shaaciyay ilaa hada in uusan ogeyn waxa lagu heesto iyo sababta loo soo maray ceyrintiisa.

Waxa uu sheegay in uu aad ula yaabay go’aanka Soomaaliya looga ceyriyay, waxa uuna xusay in aanuu  ogeyn wax khalad ah uu sameeyay sidoo kale aan loo faah faahin sababta loo cugsaday ceyrintiisa.

“Aad ayaan ula yaabay ceyrinta sababtoo ah waxaan ogahay inaan sameyn wax khalad ah, luuqadda lagu adeegsaday qoraalka diblomaasiyadeed ee dowladda fadeeraalka waxaa ku jira weero aan faah-faahintooda iyo macnahooda aan garaneyn. Ma aqaan wax sabab ah oo aan ogahay in go’aankan loo qaatay. Wax fikir ah kama haysto waxa ay arrintan ku saabsan tahay. Waxaan doonayaa inaan la macaamilo xaqiiqooyin ee ma ahan ku-tidhi ku-teyn,”. ayuu yidhi Simon Mulongo.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker