Golaha Islaamka Ethiopia Oo Ka Hadlay Masaajid Ay Dhiseen Asxaabtii Nabi Muxamed SCW Oo Lagu Burburiyay Gobolka Ee Tigray

Golaha sare ee arrimaha islaamka itoobiya ayaa kubaaqay in dadkii Masjidka Al-Najaashi iyo Aataarta Qadiimiga ah waxyeelada ugaystay sharciga lahorkeeno

Golaha sare ee arrimaha islaamka itoobiya ayaa dawlada ugu baaqay in dawlada itoobiya oo shacab waynaha itoobiya kaashanaysa ay si dhakhsa ah sharciga uhorkeento,xubnihii waxyeelada ugaystay Masjidka Taariikhiga ee Al-Najaashi iyo Aataarta Qadiimiga ah ee Najaashi.

Golaha sare ee arrimaha islaamka itoobiya ayaa warmutiyeed ay maanta soosaareen kusheegay inay waxyeelada masaajidka alnejaashi loogaystay aad uga xumaadeen islamarkaana ay tahay dhacdo aad looga cadhoodo.

Golaha sare ee arrimaha islaamka ayaa sheegay in falkani ceeb iyo waxshinimo yahay islamarkaana loobaahan yahay in cidda ay khusayso ay waxyeelada Masaajidka Alnejaashi iyo goobaha taariikhiga ah ee Nejaashi loogaystay ay xog cad iyo faahfaahin dheeraad ah kabixiso.

Sidookale Golaha sare ee arrimaha islaamka itoobiya ayaa dawlada ugu baaqay in dawlada oo shacabka kaashanaysa ay Aataarta Taariikhiga iyo goobaha cibaadada ee qadiimiga ah ay dawladu fiiro gaarka siiso islamarkaana ay daryeel iyo ilaalo gaar ah usamayso.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker