Qaramada Midoobey oo mar kale eedeyn u jeedisay Israa’iil

Madaxa Qaramada Midoobay u qaabilsan xuquuqul insaanka ayaa BBC-da u sheegay in Israa’iil ay eedayn weyn u leedahay xaaladda bini’aadantinimo ee ka tagaan Gaza halkaas oo, sida uu hadalka u dhigay, uu sheegay in xilliga uu hadlayo ay ka jirtogaajo iyo macluusha.

Volker Turk ayaa sheegay in haddii ay run ahaantii Israa’iil u adeegsanayso gaajada hub dagaal, taasi waxay noqonaysaa dembi dagaal

Wasiirka dhaqaalaha ee |Israa’iil Nir Barkat ayaa ku tilmaamay eedda mid aan micno lahayn isla markaana ay masuuliyad darro tahay in la sheego.

Israa’iil ayaa iska dhego tirtay qaraarkii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo ay ku dalbanaysay xabbad-joojin degdeg ah.

Nir Barkat, oo ah wasiirka dhaqaalaha Israa’iil, ayaa sheegay in aysan jiri doonin wax hor istaagi kara dagaalka ay Israa’iil waddo ee ah in Xamaas ay baabi’iso, ayna sii deyso la haystayaashii la qabsaday 7-dii Okotobar.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker