Ciyaartoy Muslim ah oo ka hadlay mowlac looga dhisay garoonka Arsenal

Ciyaartoyga Muslimka ah ee Arsenl ayaa soo dhaweeyey Mowlac kooxdu uga dhistay garoonka Emirates, si ay ugu cibaadeystaan .

Ciyaaryahanka Khadka dhexe uga ciyaara kooxda Arsenal iyo xulka Masar, Maxmed El Nenny oo xarigga ka jray qolkan loogu talogalkay in ay ciyaartoydu ku tukudan, ayaa bartiisa X ku qoray sida uu ugu faraxsan yahay in ay heleen meel ay ku cibaadeystaa.

Kooxda Arsenal ee horyaalka Ingiriiska gool tirsiga ku hoggaamineysa, waxaa ciyaartoyga Muslimka ah ee u ciyaara ka mid ah: Maxamed Elneny – Masar iyo Thomas Partey – Ghana.

Goobtan lagu tukado ayaa ka turjumeysa garowshiyo loo hayo ciyaryahannada Muslimka ah ee ka ciyaara Arsenal iyo guud ahaan horyaalka Ingiriiska ee sii badanaya. Waxaana horay u dhacday in ciyaaraha qaar xilliga afurka la hakiyo si ciyaartoyda sooman ay u afuraan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker